“Macalin Yusuf Cali Waa sarkaal saraakiil wata aniguse waxaan ahay 3 alifle dabley wata”ayuu yiri macalin adkeysi oo markii aanu weydiinay in uu sharaxaad ka bixiyo erayadaas waxa uu ula jeedo ku jawaabay “Marka cayaartu dhamaato kadib ayaan faafaahin doonaa”.
Macalin Adkeysi oo kooxdiisu ay ka mid tahay kooxaha ugu hooseeya xaga kala horeynta horyaalka ayaa waxaa uu sheegay in barri oo isniin ah kooxdiisu la imaan doonto xirfad cayaareed iyo fir fir cooni aan horay loogu arag intii tartanku socday.
“Anagu waxaan ka ordeynaa dib ugu laabashada Serie B Elmana waxaa ay u han-qal taageysaa koobka in ay qaado marka waxaan kuu sheegayaa in ayan qabow la mida midkii hore nagala kulmi doonin sababtoo ah fursadaha aan hada heysano si aan heerka labaad (Serie B) uga bad baadno ayaa iska yar waana in aan ka faa’iideysano”ayuu hadalkiisa sii daba dhigay macalin Adkeysi.
Dhanka kale macalinka kooxda Elman Yuusuf Cali Nuur oo aan la xariirnay ayaa sheegay in Dekedda ay tahay koox weyn uuna aaminsanyahay in kubadu tahay cad iyo madow cid badin doontana aan lasheegi karin.
“Hadii aad tartan kubadeed ka qeyb galeysid waxaad ku tala galeysaa in aad badin karto,lagaa badin karo ama aad bar bar dhac gali doontid marka anagu ma dhayelsaneyno kulanka aan bari la leenahay Dekedda oo ah koox tariikh leh laakin waan dadaali doonaa”ayuu isna yiri macalinka Elman Yuusuf Cali Nuur.
Kooxda Elman waxaa ay leedahay 27 dhibcood oo iyada iyo SITT ay wada jir ah ugu hogaaminayaan Hortaalka inkastoo kooxda SITT ay hal cayaar horeyso, waxaana bri oo isniin ah ay la kulmi doontaa kooxda Dekedda oo ah tan ugu dhibcaha yar dhamaan kooxaha tartanka ka qeyb galaya, waxaase laga dhur sugayaa cida ku guuleysata loolankaas adag.
Somali Football Media Department
+25250 930226 Office
+2521 600601 Fax
Email:somalifootballmedia@gmail.com