Macalinka cusub oo lagu magacaabo John Maura ayaa
habeenkii Salaasada waxaa uu heshiis hal sano ah la saxiixday guddoomiyaha
nadiga Abuukar Maxamed Sheeikh waxaana uu heshiisku ka dhacay magaalada
Nairobi.
Macalinka cusub ayaa lagu wadaa in magaalada Muqdisho uu
soo gaaro maalinta Jimcaha ee inasoo aadan.
"Mudada heshiiska aanu galnay waa hal sano, waana la
cusbooneysiin karaa heshiiskaas hadii aanu muhiim u aragno in macalinku nalasii
joogo”ayuu war saxaafadeeduu soo saaray ku sheegay guddoomiyaha naadiga Abuukar
Maxamed Sheekh.
Guddoomiye Abuukar ayaa sheegay in maamulka naadigu uu go’an ku gaaray in la ceyriyo macalinkii hore kaddib markii guul darooyin is daba joog ahi ay naadiga soo wajaheen uuna naadigu waayay koobabkii General Daa’uud iyo Supper Cup-ka oo jimcihii ina dhaaftay la cayaaray.
"Hanti fara badan ayaan gelinay naadiga, waxaan ahayn
dadkii ugu horeeyay ee lasoo wareegay cayaaryahano badan oo ajaanib ah, waxaana
qorsheheenu ahaa in koobab badan aanu qaadno, laakin taasi ma dhicin oo
badalkeeda guul darrooyin ayaa yimid”ayuu yiri guddoomiye Abuukar Maxamed
Sheekh.
Waxaauu guddoomiyuhu sheegay in kubada cagtu ay tahay
guul, bar bar dhac iyo guul darro intaba, laakin iyaga ay u cuntami weysay inay
sii eegtaan macalinka oo guul darrooyin is daba joog ah lasoo gudboonaadeen.
Naadiga Banadir Sports Club ayaa dib u qoray taariikh
hore kaddib markii horyaalka dalka ay ku guuleysteen iyadoo aan marna dhincooda
dhulka la dhigin.
Guul noocaas oo kale ah waxaa dalka ugu dambeysay sanaku
markuu ahaa 1956-kii xiligaas oo naadigii Aurtobarka (Gaadiidka) uu horyaalka
ku guuleystay iyadoo aan marna laga badain.
Naadiga Banadir ayaa kaddib loo aqoonsaday dib u
qorayaasha tariikhdii hore. Si kasaba ha
ahaatee macalinka cusub John Maura ayaa noqonaya macalinkii ugu horeeyay ee
naadi heerka 1-aad ah hogaamiya dalka Soomaaliya muddo ku dhawaad 30 sanadood
ah.
Somali
Football Federation Media department
Email:somalifootballmedia@gmail.com