"Garsoorka kubada cagtu waa
hiwaayadeyda 1-aad sidaa daraadeed maadaama aan iminka howl-gab ka noqday
garsoorenimada, gudaha iyo tan caalamiga ah intaba waxaan jeclahay in aan wali
kusii dhex jiro shaqada garsoorka, laakin markan kumasii lug lahaan doono
muumulida cayaarta gudaha garoonka balse taa badalkeeda, waxaan rajeynayaa in
aan u shaqeeyo dalkeyga iyo dadkeyga anigoo ah macalin dhanka garsoorka ah”ayuu
yiri garsoore hore Cabdiraxmaan Cabdi Cumar (Shuuriye) oo maanta qoraal soo
gaarsiiyay xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta.
"Waxaan idin sheegayaa
kaddib muddo sanado ah (1996- 2013) oo aan kasoo shaqeynayay howsha garsoorka
heer qaran ilaa iyo heer caalami, mudadaasoo aan qibrad weyn kusoo qaatay
waayeheygii quruxda badnaa ee aan soo maray, garsoorku waxaa uu ahaa shaqo aan
aad u jeclaa ilaa iyo caruurnimadeydii, sidaa daraadeed wali aad ayaan u
jeclahay in aan kusii dhex jiro, laakin markan aan isu badalo dhanka
macalinimada garsoorka”ayuu qoraalkiisa ku yiri garsoore hore Cabdiraxmaan Cabdi
Cumar (Shuuriye).
Waxaa uu sidoo kale
garsoorahan hore ku sheegay qoraalkiisa in wixii ka dambeeya maanta oo ay
taariikhdu ku beegan tahay 16 Janaayo 2014 uu go’aan ku gaaray shaqadii
garsoorka ee gudaha dalka in uu iyadana joojiyo tasoo macneheedu yahay in uusan
cayaar dambe dalka gudihiisa garsoore ka noqon doonin maadaama uu waayihiisii
soo qaatay hadana ka gaboobay uuna jecelkyahay dhanka macalinimada in uu u
wareego si uu gacan u siiyo dhalinyarada
Soomaaliyeed ee jecel inay garsoorka kusoo biiraan.
"Qroaalkeygan waxaan uga
codsanayaa madaxda xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta inay fursad ii siyaan
in aan guda galo qorsheheyga 2-aad oo ah dhanka macalinimada garsoorka, waxaana
idinka rajeynayaa in aad codsigeygaas si weyn usoo dhaweyn doontaa anigoo
kalsooni idinku qaba”ayuu garsoore hore Shuuriye ku sheegay qoraalka uu maanta
soo gaarsiiyay maamulka sare ee xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta.
Garsoore shuuriye oo ah nin
jaamici ah ayaa ka mid ahaa raga lagu tiriyo inay aad ugu fir fircoonaayeen shaqada
mudadii uu ku soo dhex jiray howsha garsoorka ee heer qaran ilaa iyo heer
caalami waxaana uu shaqo garsoor u tagay wadamao aad u farabadan oo howlo aad u
wagaasan uu kasoo qabtay.
Somali Football Federation Media Department
Email:somalifootballmedia@gmail.com