Kooxda K/cagta ee AC Milan ee wadanka Talyaaniga ayaa dooneysa in ay KAKA ka iibiso kooxda Chelsea ee wadanka INgitiiska sida laga soo xigtay ilo muhiim ah oo ku sugan wadanka Talyaaniga...
Ciyaaryahanka khadka dhexe ee xulka qaranka INgiriiska iyo kooxda Manchester United Michael Carrick ayaa laga saaray liiska ciyaartooyda xulka qaranka INgiriiska.
Cesc Fabregas ayaa tababaraha Arsenal Arsene Wenger u sheegay in taladiisa ku aadan soo iibinta ciyaartooyahan khadka dhexe ee difaaca uga ciyaaro Kooxda inuu la jecelyahay Xavi Alonso..
Xiriirka Soomaaliyeed ee kubada Cagta ayaa afur iyo suxuur ugu deeqaqy dhalinyaro Soomaaliyeed oo ku haray xaafadaha laga kala qaxay ee ku dhow xarunta xiriirka ee ku taala Xaafada Geed Jacayl ee degmada Wardhiigley.
Xulka qaranka kubada cagta dalka Soomaaliya ee loo yaqaano Ocean stars ayaa lagu wadaa in ay dalka Tanzania gaaraan maalinta Khamiista ah ee inasoo aadan halkaas oo ay cayaar ka mida is reebreebka tartanka CHAN ee Afrika kula yeelan doonaan dhigooda Tanzania ee Taifa stars.
Gudoomiyaha Xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta Siciid Maxamuud Nuur Mugaabe ayaa guddoomiyaha xiriirka kubada cagta aduunka ee FIFA Joseph S. Blatter waxaa uu ugu magac daray "Bad baadiyaha" Kubada cagta Soomaaliyeed oo hada u muuqata in ay horumar ku sii talaabsaneyso.
Shaafici Muxuydiin Abuukar (Islow) oo ah aas aasaha Ururka saxafiyiinta Isboortiga Soomaaliyeed horayna guddoomiye uga soo noqday hadana ah guddoomye ku xigeenka 1-aad ee xiriirka caalamiga ah ee SSPA ayaa loo magacaabay xubin ka mida guddiga warfafainta xiriirka kubada cagta ee bariga iyo bartamaha…
Macalinka kooxda Beach soccer-ka Soomaaliyeed ee dalka Switzerland Axmed Maxamed Axmed (Gaab) ayaa wacdare weyn ka muujiyay tababar caalami ah oo ka dhacay dalka Jarmalka ayna ka qeyb galeen macalimiin si weyn caalamka looga yaqaano.
Cayaartodya xulka qaranka Soomaaliya ee da'doodu ka yartahay17-ka sano ayaa caawa 2-0 ugu awood sheegtay kooxda Al-Shaxaniya ee dalka Qadar intii ay socotay cayaar saaxiibtinimo oo ku dhex martay garoonka Kooxda Al-Shaxaniya ee magaalada Dooxa.
Xulka kubada cagta dalka Soomaaliya ee da'doodu ka yartahay 17-ka sano ayaa xalay cayaartii labaad oo saaxiibtinimo la yeeshay kooxda heysata horyaalka dalka Qadar ee la yiraahdo Al-Gharafa FC, waxaana cayaartaasi ay ku dhamaatay bar bar dhac 1-1 ah.