Xulka qaranka kubbadda Cagta dalka Soomaaliya ee da'doodu ka yartahay 15-ka sano laguna naaneeso Ocean Stars Youngsters ayaa Wajahi doona dhiggoodda Kenya cayaarta furitaanka ee CECAFA U-15 Championship oo sanadkan lagu qabanayo dalka Eritrea.
Waaxda warfafinta xiriirka kubbadda Cagta Soomaaliya
Cayaartoyda Soomaaliya
ayaa maanta oo khamiis ah sameeyay tababarkii ugu dambeeyay iyagoo barrio o jimco
ah wajahaya dhigooda Kenya.
Tartankan CECAFA U-15
Championship ayaa ah kii ugu horeyay ee noociisa ah ee CECAFA qabato waxaana
guddoomiye ku xigeenka CECAFA ahna guddoomiyaha xiriirka kubbadda Cagta Soomaaliya
Cabdiqani Saciid Carab uu sheegay in CECAFA go’aansatay in tartankan la qabto
si wadamadu helaan xulal tayo leh oo U-17 ah laba sanadood kaddib loogana
fogaado qiyaamidda da’da tartamada dhallinyarada CECAFA ee sanadaha inasoo
aadan. Shabakadda somsoccer.com
waxay soo tebin doontaa warbixinada tartanka gaar ahaan cayaaraha ay dheelaan xulka
dalka Soomaaliya insha Allah.
Waaxda warfafinta xiriirka kubbadda Cagta Soomaaliya
Email:info@somsoccer.com