Tartankan ayaa waxaa ka qeyb
qaatay lix koodood oo ay maal gelinayeen shirkado iyo hoteelo k u yaala
magaalada Muqdisho sida ku muuqata sawirka boga hore ee webka.
Qeybtii hore ee cayaarta
oo ahayad mid aad u adag ayaa kusoo idlaatay 0-0, hase ahaatee daqiiqadihii hore
ee qeybta labaad ayaa Maxamed Cabdul qaadir Shariif uu goolka guusha u saxiixay
kooxdiisa Liido Sea Food waxaana uu goolkaasi dhashay daqiiqadii 49-aad ee
qeybta dambe.
Inkastoo ay wiilasha
Singjet ku guul dareysteen isku daygoodii ay ku doonayeen in ay goolka iskasoo
gudaan, hadana waxaa ay sameeyeen cayaar wanaag aad loola dhacay iyadoo
midkoodna aan loo taagin calaamad ganaax ah 90-kii daqiiqadood ee cayaartu
socotay.
Dhowr jeer oo ay weerar
ku qaadeen goosha kasoo horjeeda ayaanay ku guuleysan isku daygoodu in uu mira
dhalo, balse cayaar wanaag ayaa lagu amaanay shalay.
Xoghayaha guud ee
xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta Cabdi Qani Saciid Carab oo saxaafada kula
hadlay garoonka ayaa sheegay in tartanku uu kusoo dhamaaday si guul ah
xiriirkuna uu ka gaaray ujeedooyinkii laga lahaa, isagoo xusay in tartankani uu
xambaarsanaa 3 muhiimadood oo waaweyn.
Xoghayaha guud waxaa uu
ka dhawaajiyay in xiriirku uu todobaadka dambe qaban doono munaasabad weyn oo
koobka lagu guddoonsiinayo kooxda Liido Sea Food iyadoo sidoo kalana munaasabadaasi
lagu bixin doono abaal marino kala duwan.
Intii ay socotay cayaartii
shalay waxaa qaar ka mida ciyaartoyda kooxda Liido Sea Food la siiyay
ganaaxyada hoos ku cad.
LIIDO SEA FOOD
Name |
Number |
Minute |
Date |
caution |
Mohamed Abdulkader Farah |
4 |
13th |
11/4/2013 |
Yellow Card |
Abdikarim Abdulle Mohamed |
6 |
64th |
11/4/2013 |
Yellow Card |
Qasim Ali Mursal |
3 |
85th |
11/4/2013 |
Yellow Card |
Hamza Mohamed Muqtar |
13 |
90th |
11/4/2013 |
Yellow Card |
By Omar Ibrahim
Somali Football Federation Media Department
Email:somalifootballmedia@gmail.com