Kooxda DT ayaa urursatay 54 dhibcood oo kaga filnaaday in ay ku
guuleysato tartanka dhallinyarada. Inta badan cayaaraha tartankan ayaa ka
dhacay xarunta farsamada xiriirka, iyadoo cayaartii ugu dambesyana lagu marti
geliyay garoonka Banaadir, waxaana cayaaraha oo dhami dhici jireen maalmaha
khamiista iyo jimcaha.
Dhallinyaro da’doodu u dhexyso 15-16 ayaa ka qeyb galay tartanka waxaana
ay kala matalayeen 14 kooxood. Guddoomitye ku xigeenka 1-aad ee xiriirka Cali
Cabdi Maxamed ayaa sheegay in tartankani uu muhiimmad gaar ah u leeyahay
xiriirka maadaama uu soo saaro dhallintyaro tayo wanaagsan oo loo isticmaalo
xulalka qaranka ee da’doodu ka yar tahay 17 iyo 20 sano.
"Waxaan jeclahay in aan FIFA uga mahad celiyo taageerada dhinacyada kala duwan leh oo ay na siiso, taas oo suuragal ka dhigtay in xiriirku horumariyo kubbadda cagta dalka min bilow ilaa heerka ugu sareeya”ayuu yiri guddoomiye ku xigeenka oo ka hadlayay munaasabadii gaba-gabada tartankan Arbacadii shalay.
Wuxuu guddoomiye ku xigeenku sheegay intii tartanku socday in khubaro ka tirsan waaxda farsamada xiriirka ay xuleen cayaaryahanadii ugu wanagasanaa, kuwaas oo dhawaan loo diyaarin doono qorshe tababar si loosii horumariyo xirfaddooda kubbadda cagta.
Somali Football Federation Media Department
Email:info@somsoccer.com