Sida uu ku sheegay war saxaafadeed uu soo
saaray Guddoomiyaha xidhiidhka kubada
cagta Djibouti mudane Souleiman Hasssan
Waberi maanta oo ah Jimce wuxuu ku sheegay inay labada dhinac isla soo qaadeen
qodobo la xidhiidha kor u qaadida iyo dhiirigalinta kubada cagta ee wadankan
geeska Africa ku yaala halkaasoo madaxda xidhiidhka Kubada Cagta (CAF) ay balan
qaadeen in ay ka caawinayaan xidhiidhka kubada cagta Djibouti siduu guul uga gaadhi
lahaa dedaalka iyo mashaariicda
horumarinta kubada cagta ee ay wadaan
xidhiidhka kubada cagta Djibouti.
"Waxaanu u
bandhigtay madaxa CAF iyo xoghaya guud qoraal xambaarsan dhamaan qorshayaasha u
diyaarsan sanadkan in ay fuliyaan kaasoo sharaxayaa baaxadda hawsha aanu
fulinayno si kor loogu qaado hagaajinta iyo horumarinta kubada cagta ee Djibouti” ayuu ku sheegay war
saxaafadeedkaas madaxa xidhiidhka kubada cagta Djibouti.
Wuxuu kaloo sheegay in ay madaxda xidhiidhka kubada cagta
ee qaarada Africa ay ku booriyeen guulaha ay muujiyen xidhiidhka Djibouti iyo
dhawaan dhacdadii taarikhiga ahayd ee ay qaadeen ciyaar yahanada kubada cagta
Djibouti iyo mutadawaciinta ka shaqeeya kubada cagta ee wadanka Djibouti iyo
sida oo kale barnaamijkii ugu waynaa ee shacabka lagu
horumarinaayay taasoo ay bilaabeen xidhiidhku bishii ina soo dhaaftay ee Janaayo sanadkan 2013.
"Wuxuu sheegay
madaxa Xidhiidhka qaarada Africa ( CAF) waanu u hanweyn yahay dalka Djibouti wixii awooddayda ah anigoo ah madaxa (CAF) waxaan balan qaadayaa
inaan ka caawin doono hormarinta xidhiidhka kubada Cagta ee Djibouti, waxaanu
aad ugu farax sanahay mashaaricda horumarinta ah ee ay qaadeen xidhiidhka
Djibouti ilaa iyo hadda waanu nana ku dhiiri galinaynaa talaabooyinka ay
qaadeen si kor loogu qaado kubada cagta”sidaasuu u sheegay madaxa CAF waftigii ku booqday xarunta Qahira.
Kani wuxuu ahaa safarkii shaqo ee ugu
horeeyaya ee madaxda Xidhiidhka kubadda cagta Djibouti ay ku tagaan xarunta
xidhiidhka kubada cagta ee qaarada Africa tan iyo intii loo doortay madaxa
xidhiidhka kubada cagta ee Djibouti Mudane Souleiman Hassan Waberi oo ay ku
weheliyaan safarkan shaqo kuxigeenka kowaad ee xidhiidhka mudane Mohamed Yacin Yonis iyo qasniga xidhiidhka
kubadda mudane Cali Harred Maxamed.
Maxamed Cabdi Yaasiin
Email: Khya@live.co.uk
Somali Football Federation Media Department
Email:somalifootballmedia@gmail.com