Wafdi heer sare ah oo ka socda xiriirka kubbadda cagta Soomaaliya ayaa ka qeyb galay shir weynaha doorashada xiriirka kubbadda cagta Carabta ee UAFA kaas oo maanta oo isniin ah kusoo gaba-gaboobay magaalada Jidda ee dalka Sacuudiga.
Shir-weynaha ayaa lagu doortay Amiir Cabdulcaziiz Bin Turki Bin Faysal oo hogaamin doona ururka UAFA afarta sano ee soo socota. "Waxaan idinkaga mahad celinayaa in aad kalsoonidiina isiiseen, iina doorateen guddoomiyaha UAFA. Waxaan ballan qaadayaa in aan is badal weyn oo dhanka horumarka kubbadda cagta ah ka sameyn doono dunida Carabta”ayuu guddoomiyaha cusubi u sheegay wufuudda shirka intii ay socotay khudbadisii doorashada kaddib.
Somali Football Federation Media Department
Shir-weynahan ayaa waxaa Soomaaliya ku matalayay wafdi uu
hogaaminayay guddoomiye ku xigeenka horumarinta goballada Mudane Cabdullaahi Sheikh
Nuur Axmed oo uu wehlinayay madaxa waaxda arrimaha Carabta Maxamed Cusmaan
Ibraahim.
"Shirka waxaa soo xaadiray dhamaan dalalka jaamacadda
Carabta, waxaana looga dooday arrimo muhiim u ah horumarinta kubbadda cagta ee
dunida Carabta”sidaasi waxaa markii shirku soo dhamaaday kaddib waaxda
warfaafinta xiriirka u sheegay guddoomiye ku xigeenka horumarinta goballada
Cabdullaahi Sheikh Nuur Axmed.
Shir-weynaha ayaa lagu doortay Amiir Cabdulcaziiz Bin Turki Bin Faysal oo hogaamin doona ururka UAFA afarta sano ee soo socota. "Waxaan idinkaga mahad celinayaa in aad kalsoonidiina isiiseen, iina doorateen guddoomiyaha UAFA. Waxaan ballan qaadayaa in aan is badal weyn oo dhanka horumarka kubbadda cagta ah ka sameyn doono dunida Carabta”ayuu guddoomiyaha cusubi u sheegay wufuudda shirka intii ay socotay khudbadisii doorashada kaddib.
Somali Football Federation Media Department
Email:info@somsoccer.com