Tartankan ayaa waxaa ka qeyb galaya 12 kooxood waxaana cayaartii ugu horeysay ay shalay dhex martay kooxaha Elman iyo Dahabshiil cayaartaas oo ugu dambeyntii kusoo idlaatay 4-1 ay guushu ku raacday naadiga Elman.
Guddoomiyaha xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta Cali Saciid Guuleed Rooble ayaa furitaankii tartankan ka sheegay in xiriirku uu ahmiyad weyn siiyo tartankan oo lagu maamuuso General Daa’uud Cabdulle oo ahaa aas aassihii ciidanka xooga dalka Soomaaliyeed.
“Horyaalka heerka 1-aad lugtiisii hore way dhamaatay waxaana la geliyay hakad sababtoo ah bisha Ramadaan waxaana dib loo bilaabi doonaa 14-ka September ka horna waxaan qabaneynaa General Daa’uud Cup sida ku cad qorshe howleedka xiriirka”ayuu yiri guddoomiye Cali Siciid Guuleed.
Kooxda Elman waxaa sadex gool u dhaliyay ciyaaryahanka la yiraahdo Maxamed Nuur cabdi daqiiqadihii 3-aad, 7-aad iyo 56-aad halka goolka afaraadna uu u dhaliyay Cabdullaahi Yuusuf Cusmaan daqiiqadii 24-aad ee qeybta hore ee cayaarta, Kooxda Dahabshiil goolka keliya waxaa u dhaliyay ciyaaryahanka la yiraahdo Khaladiin Maxamed cabdulqaadir daqiiqadii 40-aad ee qeybta hore ee cayaarta
Intii ay socotay cayaartii shalay waxaa calaamado kala duwan la siiyay ciyaartoyda magacyadoodu hoos ku cad yihiin ELMAN
Name
|
Number
|
Date
|
Minute
|
Caution
|
Abdullahi yusuf Osman
|
11
|
20/Aug 2012
|
80th
|
R Card
|
DAHABSHIIL
Name
|
Number
|
Date
|
Minute
|
Caution
|
Nur Ibraahim Ali
|
2
|
20/Aug 2012
|
45th
|
Y Card
|
Abdirisak Isak Sheik
|
4
|
20/Aug 2012
|
77th
|
Y Card
|
Zakariye Abokar Nur
|
6
|
20/Aug 2012
|
80th
|
Y Card
|
Somali Football Federation Media Department
Email:somalifootballmedia@gmail.com