Naadiga ciidanka
xoogga dalka Soomaaliyeed ee Horseed ayaa cayaartii furitaanka oo ka dhacday
garoonka Banaadir 2-1 kaga adkaatay naadiga dhiggeeda ah ee Jeenyo, halka
cayaartii labaad oo ka dhacday garoonka xarunta farsamada ee xiriirka ay kusoo
dhamaatay 7-2 oo ay guushu ku raacday naadiga Saxafi oo ka adkaaday dhiggooda
Jamhuuriya.
Guddoomiyaha
xiriirka kubadda cagta Soomaaliya Cabdiqani Saciid Carab oo munaasabada
furitaanka tartanka hadal ka jeediyay ayaa ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed
uga mahad celiyay maalgelinta tartankan qiimaha weyn u leh umadda Soomaaliyeed.
"Xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda cagta wuxuu qabashada tartanka General Daa’uud soo bilaabay 1972-kii waligiisna nagama baaqan oo sanad kasta waa la qabtaa xataa muddadii uu dalku dhibaatada adag ku jiray”ayuu yiri guddoomiye Cabdiqani Saciid Carab.
"Waxaan rabaa
in aan amaan balaaran usoo jeediyo taliyaha ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed
Sarreeye Gaas Daahir Aadan Cilmi sida ay uga go’antahay in uu kaalin weyn ka
qaato horumarinta kubadda cagta dalka Soomaaliya”ayuu hadalkiisa sii daba
dhigay guddoomiye Cabdiqani ka hor intii aanu cod baahiyaha kusoo dhaweyn
taliyaha xoogga dalka.
Sarreeye Gaas
Daahir Aadan Cilmi waxaa uu sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay in uu arko horumarka
ay sameyneyso kubadda cagta Soomaaliya,
siagoo intaa ku daray in uu la socodo horumarka baaxada leh ee kubadda cagta
dalku ay sanad kasta ku tallaabsanayso.
"General Daa’uud
wuxuu ahaa aabaha aas aasay ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed, mar kasta waan
xasuusanaynaa waxaana ballan qaadayaa in ciidanka xooggu uu sii wadayo
maalgelinta tartanka Geenral Daa’uud”ayuu yiri taliyaha xoogga dalka Soomaalaiyeed
Sarreeye Gaas Daahir Aadan Cilmi.
"Waxaan si
gaar ah ammaan ugu jeedinayaa guddoomiyaha xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda
Cagta Cabdiqani Saciid Carab, oo ay si weyn uga go’an tahay aana hubo in uu horumar
ku hoggaamiyay kubbadba cagta dalka”ayuu mar kale yiri taliyaha xoogga dalka
Soomaaliya Sarreeye Gaas Daahir Aadan Cilmi ka hor intii aan lagu casuumin in
uu laado kubadga ugu horeysa kuna dhawaaqo furitaanka tartanka.
Somali Football federation Media
Department
Email:info@somsoccer.com