Sida ku cad jadwalka, waxaa dhamaan cayaaruhu ay
dhacayaan galab kasta maalmaha Isniinta ilaa Jimcaha, waxaana maalin kasta laba
cayaarood ay ka kala dhici doonaan garoomada Banaadir iyo garoonka xarunta
farsamada ee xiriirka kubada cagta Soomaaliya.
Koobka General Daa’uud ayaa waxaa ka qeyb gala 16 naadi
oo ka kooban 8-da naadi ee ugu sareeya horyaalka SPL iyo 8-da naadi ee ugu
dhibcaha badan horyaalka Division 1. Koobka General Daa’uud oo ah tartan
sanadle ah waxaa lagu xasuustaa aas aasihii ciidanka xooga dalka Soomaaliyeed
General Daa’uud Cabdulle Xersi oo ahaa General sumcad weyn lahaa dalka
Soomaaliyana looga tix geliyo in uu ahaa aabaha ciidamada qalabka sida ee
Soomaaliya.
Aabihii ciidamada xooga dalka Soomaaliyeed General Daa’uud Cabdulle Xersi wuxuu geeriyooday sanadku markuu ahaa 1965-kii, hase ahaatee xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta wuxuu qabashada koobka General Daa’uud soo bilaabay sanadkii 1972-kii.
Tartankan waxaa taageera taliyaha xooga dalka
Soomaaliyeed, waxaana guddoomiyaha xiriirka Soomaaliyeed ee kubada Cagta
Cabdiqani Saciid Carab uu ku amaanay taliska ciidanka xooga dalka sida ay uga
go’antahay sii waditaanka taageerada Koobka General Daa’uud.
Somali
Football Federation Media Department
Email:info@somsoccer.com