Kaddib markii uu ka qeyb galay shirkii guddiga tartamada
FIFA oo uu xubin ka yahay ayaa guddoomiye Cabdiqani waxaa lagu casuumay
xafiiska guddoomiyaha FIFA Gianni Infantno, wxaana kulan labada masuul dhex
maray looga hadlay arrimo dhowr ah oo la xiriira horumarinta Kubbadda Cagta
Soomaaliya.
Guddoomiye Infantino ayaa intii kulanku socday wuxuu
amaanay horumarka baaxadda leh oo ay sameysay kubbadda cagta Soomaaliya xilli
waliba dalku ku jiro dhibaatooyin aad u adag.
Guddoomiyaha Kubbadda cagta Soomaaliya ayaa u sheegay Mr. Infantino in wali Soomaaliya ay sugeyso imaatinkiisa, wuxuuna madaxwdeynaha FIFA muujiyay sida ay uga go’antahay in uu soomaaliya soo booqdo dhawaan.
Infantino waxaa uu u sheegay guddoomiyaha kubada cagta
Soomaaliya in ay ka go’antahay in uu yimaado Soomaaliya, isagoo xusay in uu
eegayo jadwal howleedkiisa kaddibna uu guddoomiyaha Kubbadda cagta soomaaliya
usoo sheegi doono taariikhda iyo saacadda uu kusoo began yahay Soomaaliya oo
aan ahayn mid fog.
Somali
Football Federation Media Department
Email:info@somsoccer.com