Guddoomiyaha xiriirka kubbadda Cagta Soomaaliya,
Cabdiqani Saciid Carab, ayaa ka mid ahaa guddoomiye-yaal dhowr ah oo lagu marti
qaaday munaasabadda furitaanka xafiiska cusub.
Xafiiskan ayaa furitankiisu yimid kaddib markii FIFA iyo
dalka martida loo yahay ee Rwanda ay ku heshiiyeen in xafiiskan oo horay u
daganaa magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya loosoo wareejiyo dalka Rwanda.
Guddoomiyaha FIFA, Gianni Infantinio, oo munaasabaddii
furitaanka xafiiskan ka hadlay maanta ayaa sheegay in FIFA ay diiradda saareyso
wax kasta oo karrankeeda ah oo ay ku horumarineyso kubbadda cagta, isagoo intaa
raaciyay in xafiiskani uu noqon doono barta laga hoggaamiyo howlaha
horumarinmta kubabdda cagta ee gobalkan.
Somali Football Federation Media Department
Email:info@somsoccer.so