Madaxweynaha la doortay ee Midowga xiriirada kubada cagta ee wadamada carabta, (UAFA), Turki Bin Khalid Bin Faisal Al Saud, ayaa ku dhawaaqay marxalad cusub oo ku aadan wada shaqeyn uu la sameynayo xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta.
Hoggaamiyaha midoowga Carabta ee kubadda cagta ayaa hadalkan ku dhawaqay
kaddib kulan muddo kooban socday oo uu la yeeshay guddoomiyaha xiriirka kubada
cagta Soomaaliya Cabdiqani Saciid Carad.
Labada masuul ayaa isku arkay magaalada Riyaad kaddib markii uu soo
dhamaaday shirweynihii doorashada ee ururka UAFA oo xalay lagusoo gabagabeeyay magaalada Riyaadh.
Guddoomiyaha xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda cagta Cabdiqani Saciid
Carab, ayaa u hambalyeeyay mudane Turki Bin Khalid Bin Faisal Al Saud oo ururka
kubada cagta ee wadamada carabta maamuli doona 4-ta sano ee soo socota.
"Madaxweynuhu waxa uu muujiyay
sida uu ugu farasxsan yahay ka muuqashada Soomaaliya ee kulamada caalamiga,
gaar ahaana kulanka Carabta”ayuu yiri Madaxweynaha kubadda cagta Soomaaliya Cabdiqani
Saciid Carab oo warbaahinta la hadlay.
Madaxweynaha la doortay ee kubadda cagta Carabta mudane Turki Bin Khalid
Bin Faisal Al Saud, ayaa dhankiisa sheegay in uu ku faraxsan yahay is badalka
xaga maamulka kubada cagta ah ee dhawaan ka dhacay Soomaaliya halkaas oo
guddoomiye loogu doortay xoghayihii mudada dheer soo shaqeynayay Cabdiqani Saciid
Carab.
W/D: Maxamed Shuuriye Nuur (Barakaat)
Somali Football Federation Media Department
Email:somalifootballmedia@gmail.com