Dhambaalka guddoomiyaha ee hambalyada xambaarsan oo ay
sii deysay waaxda warfaafinta xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta saacado uun
ka hor bilashada munaasabada ciida oo ku beegan subaxda Sabtida ah ayaa
Guddoomiye Cabdiqani Saciid Carab waxaa uu umadda Soomaaliyeed ee gudaha iyo
caalamka daafihiisa ku kala sugan u rajeeyay ciid barwaaqo iyo farxad
xambaarsan.
"Aniga oo ku hadlaya magaca bah-weynta kubadda cagta Soomaaliya,
waxaan jeclahay in aan fursadan uga faa’iideysto hambalyo aan udiro umaddeyda
Soomaaliyeed meel kasta oo ay dunida ka joogaan si aan ula qeybsado farxadda
maalintan”ayuu dhambaalkiisa ku yiri guddoomiye Cabdiqani Saciid Carab.
"Munaasabadda ciidan barakeysan awgeed waxaan Allah ka baryayaa in uu umada Soomaaliyeed ka dul qaado dhibaatada dalkana nooga dhigo nabad iyo barwaaqo”ayuu guddoomiyuhu ku yiri dhambaalkiisa hambalyada ah.
"Kor ha ahaato kubada cagta Soomaaliya, dhamaanteena aan ku
wada rajo weynaano horumar ballaaran oo kubada cagta Soomaaliya ay gaarto”ayuu
guddoomiyuhu kusoo gabagabeeyay dhambaalkiisa hambalyada ciida.
Somali
Football Federation Media department
Email:somalifootballmedia@gmail.com