Cayaarta ayaa bilaabaneysa saacadu markay tahay 8:30-ka
fiidnimo xiliga dalka Tahiti oo ku beegan maanta barqadii xiliga Muqdsiho. War saxaafadeed uu maanta soo saaray afhayeenka xiriirka
Soomaaliyeed ee kubada cagta Shaafici Muxuyadiin (Islow) ayaa lagu sheegay in Soomaaliya ay si kal iyo laab
ah ugu mahad celineyso madaxweynaha ururka kubada cagta Aduunka Joseph S
Blatter iyo guddiga FIFA beach soccer doorashadii ay mudanahan Soomaalyeed u doorteen
in cayaarta finalka ah uu ka madexeeyo.
Waxaa tani ay noqoneysaa markii ugu horeysay taariikhda
kubada cagta Soomaaliya oo muwaadin Soomaaliyeed uu xeer ilaaliye ka noqdo
cayaar Final ah ee FIFA beach soccer world cup.
Intii tartanku socday waxaa uu Mr Cabdi Qani Saciid Carab
xeer ilaaliye kasoo noqday sadex cayaarood oo kala ahaa: Match Number 11 Ivory
coast VS Russia, Match Number 18 Iran VS Ukraine iyo match Number 21 UAE VS USA
iyadoo cayaarta Spain VS Russia ay tahay tii afaraad ee uu xeer ilaaliye ka
noqdo waana qofka keliya ee guddigiisa ka tirsan oo ilaa iyo hada 4 cayaarood
loo magacaabay inuu maamule ka noqdo.
Laakin cayaarta Finalka ah ayaa muujineysa in uu Cabdi
Qani Saciid Carab uu noqday qofka loogu kalsoonida badan yahay laguna qancay
khibrada iyo awoodiisa xaga maamulka ah taasina ay keentay in cayaarta Finalka
oo hadana aad u adag uu xeer ilaaliye ka noqdo.
"Xiriirka Soomaaliyeed ee kubaaada cagta aad ayuu uga
mahad celinayaa ururka FIFA magacaabista uu Mr Cabdi Qani Saciid carab u
magacaabay maamulida cayaarta kama dambeysta ah ee Koobka aduunka—tani waxaa ay
sumcad weyn u tahay Soomaali oo dhan gaar ahaana xiriirka Soomaaliyeed ee
kubada cagta iyo Xogyahihiisa Cabdi Qani , waxaana sidoo kale ay dhiiri gelin u
noqoneysaa in Soomaaliya ay mustaqbalka dhow ka dhex muuqato cayaaraha kubad
xeebeedka aduunka”ayuu war saxaafadeedkiisa ku yiri afhayeenka xiriirka Soomaaliyeed
Shaafici Muxuyadiin Islow.
Talaabadan uu hroay u qaaday Mr Cabdi Qani Saciid Carab
ayaa waxaa ay soo nooleyneysaa rajadii dalka Soomaaliya waxaana ay si weyn u
farxadgelisay shacbaka dagaaladu la dageen ee Soomaaliyeed guud ahaan gaar
ahaana taageerayaasha kubada cagta dalka.
Sida lagu sheegay war saxaafadedka tan iyo markii Mr
Cabdi Qani Saciid Carab uu howshiisa ka bilaabay tartanka FIFA beach soccer
world cup Tahihi 2013, waxaa xafiiska xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta Soo
gaarayay dhambaalo hambalyo iyo mahad celin isugu jira halka dadweynaha Soomaaliyeed
ee dibadaha ku noolna ay fariimo hambalyo ah kusoo dirayeen emailka qeybta
warfaafinta xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta:
somalifootballmedia@gmail.com
Xoghayaha guud ee xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta
Mr Cabdi Qani Saciid Carab waxaa uu ka mid yahay shaqsiyaad geesiyaal ah oo
naftooda u huray in ay ka bad baadiyaan kubada cagta Soomaaliya in ay bur burto
mudadii dalku dowlad la’aanta ahaa.
Shaqsiyaadkaas aanay taariikhdu ilaawi doonin waxaa ka
mid ah guddoomiyaha talada haya Cali Saciid Guuleed Rooble, iyo hogaamiyihii
hore eeXiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta Saciid Maxamuud Nuur oo sidoo
kalana ahaa shaqsi sama fale ah oo lagu yaqiinay taakuleynta dadka tabaaleysan.
Waxaan leenahay Alle ha u naxariisto xusuustisuna marnbaba kama go’i doonto
quluubta umada Soomaaliyeed.
Somali Football Federation Media department
Email:somalifootballmedia@gmail.com