Guddoomiyaha xiriirka kubbadda Cagta Soomaaliya Cabdiqani Saciid Carab oo iminka ku sugan dalka Morooco ayaa caawa xeer ilaaliye ka noqonaya cayaarta kama dambeysta ah ee CAF Confederation Cup.
Cayaarta finalka ah
ayaa dhex mari doonta kooxaha kala ah Raja Casablanca oo dalka Morooco ah iyo Vita
Club oo ka dhisan dalka Jamhuuriyadda
Dimoqoraadiga ah ee CONGO. Cayaartu waxay
dhacaysaa 8-da fiidnimo waqtiga GMT oo ku beegan 11-ka habeenimo waqtiga
Soomaaliya.
Guddoomiyaha CAF Axmed
Axmed iyo dhamaan xubnaha sar sare ee CAF ayaa cayaartan daawan doona, waxaana
isla marka cayaartu dhamaato uu
guddoomiyaha xiriirka Soomaaliyeed ee Kubbadda Cagta Cabdiqani Saciid Carab
usii safri doonaa dalka Ghana oo uu barri kaga qeyb geli doono shirka guddiga
qaban qaabada Africa Cup of Nations.
Waaxda warfaafinta xiriirka kubbadda Cagta Soomaaliya
Email:info@somsoccer.com