Gobalka Banaadir oo Cayaaraha lagu marti gelinayo ayaa
cayaarta ugu horeysa tartanka maalinta Jimcada la yeelan doona kooxda ka socota
Jubbaland, iyadoo sida ku cad jadwalka tartanka ay maalinta khamiista ah dhici
doonto munaasabada furitaanka.
Lixda koox ee tartanka ka qeyb galaya ayaa loo qeybiyay
laba qeybood oo min sadex koox ah. Xulka Banaadir ayaa group-ka A kula jira
Jubbaland iyo Galudug, halka group-ka B ay ku wada jiraan: Puntland, Koofur
Galbeed iyo HirShabeele.
"Munaasabada furitaanka ee maalinta Khamiista ah dhici doonta waxaa bar bar socda cayaar ay yeelanayaan laba kooxood oo da’doodu ka hooseyso 15 kuwaas oo ka mida dhalinyarada lagu tababaro barnaamijka horumarinta dhalinyarada ee xiriirka Soomaaliyeed ee kubada Cagta”ayay tiri Marwo Khadiija Maxamed Diiriye oo saxaafada la hadashay.
Waxaa ay wasiiradu amaan usoo jeedisay xiriirka
Soomaaliyeed ee kubada Cagta qaabka wanaagsan oo ay farsama ahaan u diyaariyeen
cayaaraha,iyadoo intaa ku dartay in ay aad ugu rajo weyn tahay in cayaarahani
ay xiiso weyn ku reebi doonaan bulsho weynta Soomaaliyeed ee ku kala nool
gudaha iyo dibada.
"Koox xeel dheerayaal kubada cagta ah oo ay ku jiraan
cayaryahano iyo garsoorayaal hore ayaa loo magacaabay guddiga racfaanka ee
tartanka. Waxaan jeclahay inaan mar kale xiriirka Soomaaliyeed ee kubada Cagta
ku amaano qaabka wanaagsan ee farsamo ahaan loo diyaariyay tartanka”ayay tiri
Marwo Khadiija Maxamed Diiriye.
Dhanka kale Marwo Khadiija Maxamed Diiriye ayaa kooxaha
tartanka ka qeyb galaya ku wareejisay qalab dhameystiran oo xiriirka
Soomaaliyeed ee kubada Cagtu uu kooxaha ku deeqay.
Somali Football Federation Media Department
Email:info@somsoccer.com