Guddoomiyaha xiriirka Soomaaliyeed ee kubada Cagta, Cabdiqani Saciid Carab, ayaa barri oo khamiis ah u amba bixi doona maamulka Soomaaliyeed ee Puntland.
Wafdi heer
sare ah oo uu guddoomiye Cabdiqani Siciid Carab, hogaaminayo ayaa ka amba bixi
doona magaalada Muqdisho, iyagoo ku wajahan xarunta ganaciga Puntland ee Boosaaso,
halkaas oo ay ka dhici doonto munaasabad lagusoo gabagabeynayo horyaalkii
kubada Cagta Puntland.
Guddoomiye
ku xigeenka xiriirka Soomaaliyeed ee kubada Cagta Cabdullaahi Sheekh Nuur ayaa
oo fadhigiisu yahay magaalada Boosaaso ayaa wafdiga halkaa uga biiri doona,
waxaana munaasabada gabagabada horyaalka kubada cagta ee Puntland ay ka dhici
doontaa magaalada Boosaaso 23-ka bishan insha Allah.
Somali Football Federation Media Department
Email:info@somsoccer.com