Kulanka Jeenyo United iyo Elman FC oo ahaa mid taageerayaal badani aad u wada sugayeen ayaa galabta kusoo dhamaaday is mari waa 1-1 ah, inkastoo Elman ay goolka la hormartay qeybtii hore ee cayaarta.
Labada
naadi ayaa taageerayaashoodu ka mid yihiin kuwa sida aadka ah u xafiiltama iyadoo ay taasi jirto
ayaa hadana Elman oo kamida naadiyada ugu tunka weyn dalka Soomaaliya waxaa tan
iyo intii la bilaabay horyaalka ay ka mid tahay naadiyada kaalimaha dhexe soo
dhaafi waayay.
C/laahi Cali Nuur, oo ka tirsan Elman ayaa goolka hore u dhaliyay
kooxdiisa Daqiiqadii 17 ee qeybta hore Ciyaarta. Laakin Jeenyo ayaa waxa ay
barbaraha ka heshay Cabdalla Xasan Cabdalla, kaas oo gool nafta kusoo celiyay u
dhaliyay kooxdiisa daqiiqadii 88 xilli cayaartu ku dhaweyd gabagabo.
Naadiga Elman, ayaa barbarahaan waxaa uu ka
saaciday inay soo gasho kaalinta lixaad kala sareynta horyaalka heerka Koowaad
ee kubadda cagta Soomaaliya, halka Jeenyo ay isagasii nagaatay kaalinteedii 3-aad iyadoo leh 10
dhibcood.
W/D: Cumar Ibraahim
Cabdisalaan (Cumar Yare)
Somali Football Federation Media department
Email:info@somsoccer.com