Mudane Carab ayaa waxaa xilka guddomiyenimada kula
tartamayay guddoomiyihii hore Cali Saciid Guuleed Rooble oo laakin shirweynaha u sheegay in uu iska casilay
tartanka, wax yar uun ka hor intii aanu wareega labaad ee codbixintu bilaaban, waxaana sidaa kusoo haray hal murashax oo dhamaan 28-kii cod ee goobta laga dhiibtay
helay sidaana ku noqday guddoomiyaha xiriirka 4-ta sano ee soo socota sida
guddiga doorashadu uu ku dhawaaqay.
25-ka naadi ee xiriirka u diiwaan gashan, ururka
garsoorka, ururka macalimiinta iyo ururka ciyaartoyda ayaa dhamaan u codeeyay
guddoomiyaha cusub.
Hada waxaa socota u codeynta labada guddoomiye ku xigeen,
iyadoo kaddibna loo codeyn doono xubnaha guddiga fulinta.
Wixii warar ah ee kusoo kordha waan idinlasoo socodsiin
doonaa.
Somali Football Federation Media Department
Email:somalifootballmedia@gmail.com