Goolka dahabiga ah ee ay guusha ku haleeshay Kooxda
Banaadir waxaa u dhaliyay kabtankooda Daadir Amiin Cali waxaana goolkaasi uu ka
yimid laadka xorta ah, daqiiqadii 43-aad ee cayaarta qeybteedii hore oo kusoo
idlaatay 1-0 ay ku hogaamineysay Banaadir Sports Club.
Cayaartan ayaa lagu tilmaamay inay ka mid ahayd
cayaarihii ugu xamaasada badnaa tan iyo intii horyaalku dib u furmay 1-dii
bishan, maadaama Heegan ay ku dadaaleysay inay hogaanka sii dheereysato halka
wiilasha Banaadirna ay ka go’neyd inay guul keenaan si hogaanka ay ula
wareegaan tasoo ay xaqiijiyeen maanta.
Daqiiqadihii hore ee qeybta labaad ee cayaarta ayaa
labada dhinac waxaa ay isku qaadeen weeraro is daba joog ah iyadoo Heegan ay ku
dadaaleysay inay goolkka iskasoo gudo halka Banaadir ay iyana ku dadaaleysay
inay u labeyso.
Daqiiqadii 88-aad ee qeybta dambe ee cayaarta ayaa
garsoorihii cayaarta dhex dhexaadinayay waxaa uu rigoore ku abaal mariyay
cayaaryahan Jibriil Xasan Maxamed (Fariid) kadib markii qalad lagu galay hase
ahaatee fursadaasi oo loo heystay gool ayuu lumiyay cayaaryahan Jibriil.
Tani waxaa ay kooxda Heegan u ahaan lahayd fursad dahabi
ah waase hadii ay goolkaas dhalin lahaayeen, balse nasiib xummo fursadaasi kama
aanay faa’iideysan waxaana taasi ay keentay in taageeayaashii Heegan ay si hal
haleel ah garoonka uga baxaan markii ay xaqiiqsadeen in jibriil uu beer dareeyay
fursadii ay goolka isagasoo gudi lahaayeen.
Daqiiqadaha cayaarta oo sii dhamaanayay ayaa kooxda
Banaadir ay dadaal dheeri ah ku bixisay si ay u
difaacato goolkeeda kana hor tagto inay weeraryahanada Heegan soo
gaaraan, waxaana ugu dambeyntii 90-kii daqiiqadood ee cayaarta loogu tala galay
ay kusoo idlaatay 1-0 ay guushu ku raacday Banaadir Sports Club oo u daabaal
dagtay qabashada Hogaanka oo ay ku heyso 10 dhibcood halka Heegan ay leedahay 9
dhibcood, waxaana kaalinta 3-aad ku jirta Elman oo horyaalka difaaaneysa lehna
6 dhibcood.
Sida ku cad jadwalka tartanka barri oo Jimco ah waxaa is
arki doona Naadiga Elman oo horyaalka difaacanaya iyo Savana FC oo ku jirta
kaalinta ugu hooseysa marka la eego kala horeynta horyaalka.
Sabti iyo Axad ma jiraan wax cayaaro ah waxaana maamulka
xiriirku uu ugu talagalay in dadweynaha Soomaaliyeed ee jecel kubada cagta ay
helaaan fursad ay ku daawan karaan cayaaraha kale ee caalamka oo inta badan la
cayaaro Sabtida iyo Axada.
Somali Football Federation Media Department
Email:somalifootballmedia@gmail.com