Safiirka Soomaaliya ee dalka Imaaraadka carabta Mudane Abdulqaadir Shiikheey Al Hatami ayaa isagoo ku hadlayay magaca dhamaan diplomaasiyiinta Soomaaliyeed gaar ahaana kuwa ku sugan Imaaraadka waxaa uu tacsi u diray shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan oo uu uga tacsiyeeyay geeridii naaxdinta lahady ee ku timid, wasiir arrima dibadeed hore marxuum Axmed Maxamed Aadan Qeybe oo ku geeriyooday magaalada Hargeysa.
Marxuumka oo dalka usoo dhaqeeyay muddo ka badan 25
sanadood ayaa da’diisu ahayd 83 jir. "Inaa lilaahi wa inaa Ileyhi
Rajicuun, waxaan marxuumak Alle uga baryeynaa in uu Janatul firdowsa ka
waraabiyo dhamaan umada Soomaaliyeedna samir iyo iimaanka siiyo”ayuu
dhambalkiisa tacsida ah ku yiri safiirka Soomaaliya ee Imaaradka Mudane
Abdulqaadir Shiikheey Al Hatami
Somali
Football federation Media Department
Email:somalifootballmedia@gmail.com