Mr. Cabdi Qani Saciid Carab oo sidoo kalana xubin ka ah
guddiga FIFA isla markaana ah xoghayaha guud ee xiriirka Soomaaliyeed ee kubada
Cagta ayaa helay codadka 9 wadan oo ka mid ahaa 12 dal oo codadkooda ka
dhiibtay doorashada oo maanta ka dhacday Nairobi.
"Aad ayaan ugu mahad celinayaa dhamaan wadamada xubnahaka
ah CECAFA, kuwii i doortay iyo kuwii aan idooran intaba, dhamaantood waa mahadsanyihiin,
sababtoo ah kubada cagtu waa walaalnimo iyo saaxiibtinimo, sida ay na barayaan
qawaaniinta kubada cagta aduunkaā€¯ayuu doorashadiisa kaddib saxaafada u sheegay
Mr. Cabdi Qani Saciid Carab.
Wadamada Kenya, Eritrea iyo Koofurta Sudan ayaa codadkooda
u diiday inay siiyaan Soomaaliya, laakin dhamaan 9-ka dal ee kale ee ku jira
CECAFA ayaa si buuxda ugu codeeyay musharaxan ka socday Soomaaliya Cabdi Qani Saciid Carab.
Wadamada Sida aadka ah ugu ololeeyay Soomaaliya mudada
dheerna is xulafeysigu uu kala dhexeeyay Soomaaliya ayaa waxaa hormuud ka ahaa:
Itoobiya, Jabuuti oo aanu walaalo nahay, Rwanda, Sudan, Burundi iyo Uganda. Xubnaha CECAFA ee la doortay ayaa xafiiska maamulka sii
heyn doona labada sanadood ee inasoo aadan, waxaana madaxda sar sare ee cecafa
ka mida:
Leodegar Tenga
(Tanzania) Guddoomiye, Lawrence Mulindwa (Uganda), Ku xigeen. Xubnaha:
Tareq Atta (Sudan) Abdi Qani Said Arab (Somalia), Raol Gisanura (Rwanda) iyo
xoghayaha guud Nicholas Musonye (Kenya) oo isaga aan la dooran laakin doorashada
kaddib la magacaabo.
Ku dhawaad 15 sanadood ayaa laga joogaa markii Nicholas
Musonye uu noqday xoghayaha CECAFA waxaana xiligaa u magacaabay Alle ha u
naxariistee ninkii ugu awooda badnaa kubada cagta Afrika Faarax Sendiko xili
Kenyana ay aad ugasoo horjeeday in booskaas uu yimaado nin Soomaaliya ay wadato,
waxaana xusid mudan in Nicholas Musonye ilaa iyo hada uu booska kusii joogo
awooda wadamada aan soo sheegnay ee isbahaysiga la ah Soomaaliya taas ayaana
keentay in ilaa iyo Hada Musonye uu soo dhaweysto Soomaaliya.
Wadamada ku guul dareystay doorashada codkoodiina u diiday
Soomaaliya waxaa ka mida Koofurta Sudan iyo Kenya oo guddoomiyeyaashooda kubada
cagta Mr Ally Chabor (south Sudan) iyo Sam Nyamweya (Kenya) ay waayeen kalsooni
ku filan oo ay guddiga fulinta uga mid noqdaan.
Kenya ayaa codkeeda u diiday Soomaaliya sababo la xariira
dagaal siyaasadeed dhawaan ka dhex qarxay xiriirada kubada cagta Soomaaliya iyo
Kenya kaddib markii Cabdi Qani Saciid Carab uu lugta ku dhuftay qorshe uu watay
xiriirka kubada cagta Kenya oo doonayay in uu dhaqaale ku raadsado waxy ay ku
sheegeen barnaamij nabadeed oo Soomaaliya loogu qabanayo Kenya, tasoo uu Cabdi
Qani Saciid Carab ku gacan seyray kuna qasbay Kenya inay raali gelin kabixiso
gefka ay u geysatay Soomaaliya, isla markaana ka noqoto qorsheheedii.
Xubnaha kale ee Soomaaliya ugu jira ururka Kubada cagta
Bariga iyo bartamaha Afrika ee CECAFA waxaa ka mida Madaxa maaliyada CECAFA
Caamir Cabdi Xasan, Agaasimaha xafiiska warfaafinta xiriirka Soomaaliyeed ee kubada Cagta ahna xubin guddiga warfaafinta CECAFA, iyo Xasan
maxamed Maxamuud oo isna xubin ka ah guddiga garsoorka CECAFA.
Guddoomiyaha xiriirka Kubada Cagta Soomaaliya Cali Siciid
Guuleed Rooble ayaa isna xubinka ah guddiga horumarinta xiriirka kubada cagta qaarada
Afrika ee CAF. Arrintan ayaa muujineysa sida Soomaaliya oo muddo dheer aan dowlad
lahayhn ay uga dhex muuqatay maamullada kubada cagta caalamiga ah gudiyadooda
kala duwan.
Somali Football federation Media Department
Email:somalifootballmedia@gmail.com