Shirka Guddiga Fulinta ee CECAFA
ayaa diirada lagu saari doonaa ajandayaal dhowr ah oo ay oo ka mid tahay diyaar
garowgii ugu dambeeyay ee Kenya, iyadoo kulanka lagu eegi doono in diyaar garowga
Kenya uu yahay mid ku filan marti
gelinta tartanka oo bilaaban doona 27-ka bishan.
Kulanka CECAFA waxaa kaloo lagu
falan qeyn doonaa doorka ka qeybgalka wadamada ka baxsan gobalka CECAFA ee
tartanka qaramada bariga iyo bartamaha
Afrika.
Sida uu sheegay xoghayaha Guud ee
CECAFA Ncholas Musonye ka qeyb galka dalalka dibada ka ah CECAFA ee tartamda
ururkani qabto ayaa ah mid xiiso gaar ah
u yeeleysa tartamada CECAFA qabato oo sanadkiiba ugu yaraan 2 dal oo CECAFA ka
baxsan ay kasoo qeyb galaan.
Ka hor inta tartanka CECAFA aanu
ka bilaaban Nairobi ayaa waxaa dhici doonta doorashada guddiga Fulinta ee
CECAFA. Soomaaliya waxaa guddiga fulinta ugu jira Cabdi Qani Saciid Carab oo isla
markaana ah guddoomiyaha guddiga tartamada ee ururka kubada Cagta bariga iyo
Bartamaha Afrika ee CECAFA.
Sanadkan mar kale ayuu Cabdi qani Siciid
Carab doonayaa in uu adkeysto booskiisa, doorashada soo socota, waxaana xilkan
CECAFA uu soo hayay muddo ka badan 10 sanadood.
Xafiiska Warfaafinta Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubada Cagta