Isku aadka ayaa looga dhawaaqay kulan heer sare ah oo
maanta ka dhacay hotelka Global ee magaalada Mqudsiho. Kulanka ayaa waxaa kasoo qeyb galay dhamaan xubanaha guddiga
fulinta ee xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta iyo madaxda naadiyad heerka
1-aad ee tartanka ka qeyb geli doona.
Sida ku cad isku aadka maanta la shaaciyay waxaa cayaata
furitaanka isaga hor imaan doona naadiga heegan oo kaalinta 2-aad ka galay
horyaalkii sanadkii hore iyo naadiga Gaadiidka oo ka mida naadiyada dib usoo
noolaady ee horay dalkauga jiri jiray.
"Shaqada dib u dhiska ee ka socotay garoonka Banaadir
ayaa dib u dhac u keentay tartankan oo lagu waday in uu furmo bishii September
5-teedii---wali qeybta VIP-da ee garoonka dhismeheedii inta badan wa dhiman
yahay waxaase xiriirku go’aan ku gaaray in tartanka la bilaabo maadama sanadku
sii dhamaanayo”ayuu munaasabada ka sheegay xoghayaha guud Cabdi Qani Saciid
Carab.
Waxaa uu xoghayuhu intaa raaciyay inkastoo wali VIP-du
aanay dhameystirneyn hadana in qeybaha kale ee garoonku ay awood u
leeyihiin in tartan lagu marti geliyo
madaama qeybo badan oo muhiim ah la dhameystiray.
"Waxaan ka rajeyneynaa FIFA in ay soo dhameystirto inta
ka hartay dhismah aVIP-da oo ah qeybta
bisha bilicda garoonka”ayuu yiri xoghayaha guud cabdi Qani Saciid Carab oo sheegay
in qeybtaas dhismeheedu sii soconayo tartankana lagusii garab wadi doono.
Guddoomiyaha xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta Mudane
Cali Siciid Guuleed Rooble oo kulankii maanta hogaaminayay ayaa ugu dambeyntii
ku dhawaaqay in horyaalku uu si rasmi ah u furmi doono maalinta jimcaha ee inasoo
aadan.
Somali Football federation Media Department
Email:somalifootballmedia@gmail.com