Xiriirka ayaa sheegay in sababta tartamadan loo hakinayo
bisha Ramadaan ay tahay in shacabka Soomaaliyeed ee cayaaraha xiiseeya ay helaan
fursad ay ku daawadaan tartamo dalka oo dhan laga qabto bisha Ramadaanka oo dhalinyaro
xaafadeedyadu isku arkaan.
"Kulan guddiga tartamadu uu yeeshay maanta ayaa leyskula afgartay
in horyaalka heerka -3aad dib loosii amba qaado 11-ka bisha August halka
horyaalka heerka 2-aadna uu isna dib u furmi doono 12-ka bisha August "ayuu war
saxaafadeed uu soo saaray ku sheegay guddoomiyaha guddiga tartamada Xiriirka Soomaaliyeed
ee kubada cagta Mudane Cali Cabdi Maxamed (Cali shine).
Mudane Cali shine oo ah masuulka xiriirka Soomaaliyeed
ugu qaabilsan howsha dib u dhiska garoonka Stadium Banaadir ayaa dhanka kale
sheegay in howshii dib u dhiska garoonka stadium Banaadir ay meel wanaagsan
mareyso inti badneydna la qabtay isagoo xusay in uu xiriirku aad ugu rajo
weynyahay in horyaalka Heerka 1-aad ee dalka oo furmaya 5-ta bisha September
lagu cayaari doono garoon heer caalami ah.
"FIFA ayaan horay ugu gudbinay qoraal aan uga codsanay in
ka hor mudada aan u qabanay horyaalka heer-ka 1-aad ay soo dhameystiraan
qeybaha yar ee ka harsan dib u dhiska garoonka Stadium Banaadir, waxaana
rajeyneynaa in arrintaasi ay hirgashoā€¯ayuu war saxaafadeedkiisa ku sheegay
guddoomiyaha guddiga tartamada xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta Mudane
Cali Cabdi Maxamed ( Cali shine).
NB: Hadii aad dooneysid wareysiyo ku saabsan arrinta garoonka Stadium Banaadir ama tartamada xiriirka ka wac guddoomiyaha guddiga tartamada Cali Shiine Numberradan: Nation Link Telecom: 00252699 460011 ama Horumuud 0025261 5513978
Somali Football Federation Media Department
Email:somalifootballmedia@gmail.com