Intii ay socotay cayaar dhex martay naadiyada D.B.G iyo
Dahabshiil 10-kii bishan June kuna dhamaatay bar bar dhac 2-2 ah ayaa
cayaaryahan Nuur Ibraahim Cali uu ku kacay qaladaad ay ka mid yihiin aflagado
garsoore iyo isku day dagaal abuurid cayaaryahanada dhexdooda , wuxuuna si cad
ugu xad gudbay qawaaniinta tartanka.
Hadaba guddiga Dishibiliinka ee xiriirka Soomaaliyeed ee
kubadqa cagta oo maanta shirk ku yeeshay xarunta xiriirka ee magaalada Muqdisho
ayaa soo saaray ganaaxa kaddib.
1- Markii uu guddigu arkay warbixinta garsoorihii cayaarta iyo sidoo kale warbixintii xeer ilaaiyaha.
2- Markii
uu guddigu darsay xeerka tartanka qodobadiisa 37-aad iyo 38-aad wuxuu guddiga
anshaxa iyo dishibiliinku go’aamiyay in cayaaryahan Nuur Ibraahim Cali laga
ganaxay 5-ta cayaar ee kooxdiisa ugusoo horeysa oo uusan safan doonin iyo lacag
dhan 100 doolar.
Wuxuu guddigu warbixintiisa ganaaxa ku sheegay in
cayaaryahan Nuur Ibraahim Cali uusan wax appeal ah ka qaadan Karin ganaaxa la
saaray.
Cayaaryahankan ayaa noqonaya cayaaryahankii labaad ee la
ganaaxo tan iyo intii ay bilaabmeen horyaalada heerarka B iyo C ee dalka. Iyadoo
dhanka macalimiintana ilaa iyo hada hal macalin oo keliya la ganaaxay kaasoo ah
Macalinka naadiga Badbaado Ismaaciil Cali Maxamuud oo hada ganaaxiisiisoo
dhameystay.
Somali Football Federation Media Department
Email:somalifootballmedia@gmail.com