Xaflada Qado sharafta ah ayaa waxaa kasoo qeyb galay
cayaaryahano hore, macalimiin uu ka mid ahaa macalinka xiriirka kubada cagta Soomaaliyeed
u qaabislan isu ururinta ciyaartoyda ku sugan Yurub Macalin Cabdirashiid Islow
Axmed iyo taageerayaal ayaa waxaa loogu talagalay in lagu sagootiyo
Guddoomiyaha xiriirka kubada cagta dalka Jabuuti Mudane Suleymaan Xasan Waaberi
isla markaana looga mahad celiyo wada shaqeynta balaaran oo uu la leeyahay
xiriirka kubada cagta dalka Soomaaliya oo tartamadiisa caalamiga ah iyo
koosrooyinkiisa heer caalami intaba ku qabsada dalka maadaama Soomaaliya aysan
wali ahayn meel ay ka jirto xasiloonidii loo baahnaa oo suuragal ka dhigi karta
in lagu marti geliyo cayaaraha heer FIFA, CAF iyo CECAFA .
Tifaftireyaal caan ah oo uu ka mid yahay Maxamuud
Ismaaciil ayaa munaasabada kasoo qeyb galay. Sidoo kale guddoomiyaha jaaliyada
sportiga Soomaaliyeed ee UK Dahir Cali Kulmiye iyo Mudane Xuseen Deeq oo ka
socday Guddiga Olombikada Soomaaliyeed ayaa munaasabada lagu casuumay iyagoo ku
amaanay mudane cabdi Colaad xilka weyn ee uu isi saaray.
Wakiilka maamulka ee xiriirka Soomaaliyeed ee kubada
cagta U jooga dalka Ingiriiska Dr Cabdi Colaad Raage oo munaasabadaas ka hadlay
ayaa sheegay in isagoo k u hadlaya magaca xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta
uu aad ugu faraxsan yahay qaabilaad heerkan oo kale ah in ay u sameeyaan
guddoomiyaha kubada cagta dalka Jabuuti Mudane Suleymaan Xasan Waaberi.
"Mudane Guddoomiye waan ognahay in aad u qalantay in
lagugu sagootiyo munaasabad ka weyn mida maanta aan u fadhino—waan hubaa in
hadii aanu joogi lahayn Muqdisho ama meel kale oo Soomaaliya ka mida in
munaabado muddo maalmo ah soconaya aan kuu qaban lahayn inkastoo munaasabadan
lafteedu ay ku tusineyso in aan xushmad weyn iyo walaatinimaba u heyno adiga
iyo dhamaan shacabka reer jabuuti ee aanu walaalaha nahay”ayuu Dr. Cabdi Colaad
Raage ka sheegay munaasabada guddoomiyaha lagu sagootinayay.
"Waxaa marag ma doonto ah in waligiiba uu jiray xiriir
wada shaqeyneed oo si weyn u horumarsan oo u dhexeeya xiriirada kubada cagta
Soomaaliya iyo Jabuuti---tani ma ahan wax afka uun laga sheegayo, laakin
munaasabadan qiimaha badan ee maanta London ka dheceysa ayaa tusaale ugu filan
waxa aan soo sheegay, aniga oo ku hadlaya codka labada xiriir ayaana balan
qaadayaa in xiriirka laba geesoodka ah ee u dhexeeya labada xiriir kubad cag ee
Jabuuti iyo Soomaaliya uu waligii jiri doono siina xoogeysan doono”ayuu yiri xoghayaha
guud ee xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta Cabdi Qani Saciid Carab oo
munaasabada sagootinta qadka teleefonka kaga qeyb galay isagoo Muqdisho ku
sugan.
"Aad ayaan ugu faraxsanahay in mutadawiciinta xiriirka
Soomaaliyeed ee kubada cagta ay shaqooyinkooda sii laba laabayaan hadii ay dalka
Joogaan iyo hadii ay dibadaha ku sugan yihiin intaba, waxaana ku rajo weynahay
in shaqadan wada jirka ah ay gacan weyn ka geysan doonto horumarka kubada cagta
dalka”ayuu hadalkiisa sii daba dhigay xoghayaha Guud Cabdi Qani Saciid Carab oo
si aad ah ugu mahad celiyay wakiilka maamul ee xiriirka u fadhiya dalka Uk
Dr.Cabdi Colaad raage iyo Macalimiinta la shaqeysa Cabdirashiid Islow Axmed iyo
Rabiic Muuse.
Dhankiisa ayaa guddoomiyaha xiriirka kubada cagta dalka
Jabuuti Mudane Suleymaan Xasan Waaberi waxaa uu bahweynta kubada cagta Soomaaliyeed
ku amaanay isku xirnaantooda iyo sida ay uga go’antahay in ay horumariyaan
cayaartan dalka Soomaaliya meel kasta oo
ay caalamka ka joogaanba.
"Run ahaantii waxaan aad idinkaga mahad celinayaa
qaabilaada iyo soo dhaweynta balaaran oo aad ii sameyseen tan iyo markii aan
London soo gaaray Jimcihii , dhab ahaantii waxaad itusideen wax aad uga badan
intii laga filan karay dad sidiina oo kale dibad joogayaal ah oo dalkoodii
hooyo ka maqan—waxaan jeclaan lahaa in halkan aan kaga dhawaaqo in aan aad iyo
aad ugu faraxsanahay shaqada aad halkan ka heysaan oo aan la socodo in caruurtiina ka yar 12-ka
sanadood ay dhawaan ku guuleysteen koobka tartan loo qabtay caruuraha
jaaliyadaha kala duwan ee ku nool London iyo agagaareheeda oo ay koobka soo
hooyeen”ayuu guddoomiye Suleymaan Xasan Waabeir ka sheegay munaasabada
sagootintiisa.
"Xikmad Soomaaliyeed ayaa waxaa ay oraneysaa ninkii
Gurigiisa kaa soora waa rag, laakin ninkii guri kale kaa soora ayaa rag ka
roone ah, sidaa daraadeed waxaan anigu qof ahaan idinku tilmaami karayaa
geesiyaal wax qabad leh, maadama aad munaasbadan quruxda badan igu
sagootineysaan adinkoo dalkiinii aan joogin—waxaan si kastaba ha ahaatee aad
ugu qanacsanahay walaalnimada aad ii muujiseen iyo casuumadaha aad ii sameyneyseen tan iyo
markii aan imid”ayuu munaasabada sagootintiisa ka sheegay guddoomiye Suleymaan
Xasan Waaberi oo kaddibna u baqoolay dhanka Jasiirada Mauritius oo uu kagasoo
qeyb geli doono shir weynaha 63-aad ee ururka kubada cagta aduunka ee FIFA.
Soomaaliya iyo Jabuuti iayaa ah laba dal oo walaalo ah,
dadkooduna ay ka siman yihiin dhinacyada diinta, dhaqanka, luqada iyo midabka,
waxaana taasi ay keentay in xiriirka kubada cagta Soomaaliya uu jabuuti ku qabsado
cayaaraha caalmiga ah iyo kooroosyinka si shuruud la’aan ah isla markaana aanay
la kulmin wax xanibaado ah.
Somali Football federation media department
email:somalifootballmedia@gmail.com