Xoghayaha guud ayaa
warkan saxaafada u sheegay intii ay socotay munaasabada furitaanka horyaalka
heerka labaad halka horyaalka heerka 3-aadna uu sheegay in uu si rasmi ah u
furmi doono maalinta Axada ah ee inasoo aadan oo bisha April tahay 21-ka,
waxaana labadan horyaal ee B iyo C ay ka wada dhici doonaan garoonka
Jaamacadaha.
Horyaalka heerka
1-aad oo ah tartanka ugu shacbiyada iyo xiisaha badna tartamada uu qabto
xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta ayuu xoghayuhu sheegay in lala sugayo
dhameystirka dhismaha garoonka Banaadir oo wajigiisa labaad dhawaan la guda
geli doono.
"Maanta waxaan halkan
u taaganahay in aan bilowno horyaalka heerka 2-aad oo uu soo raaci doono kan
heerka 3-aad oo Axada isna aan qoresheyneyno in aan furno—qorsheheenu wuxuu
ahaa in sadexda horyaal ay isku mar furmaan isku marna soo dhamaadaan waana ka
xumahay in aan maanta ku dhawaaqo in horyaalka heerka 1-aad dib u dhac uu ku
yimid, iyadoo sababtuna ay tahay garoonka Stadium Banaadir oo aan hada diyaar u
ahayn in cayaaro lagu marti geliyo, waxaanse aad ugu rajo wreynahay in FIFA ay
soo da dajin doonto dhameystirka dhismaha garoonka”ayuu saxaafada u sheegay
xoghayaha guud Cabdi Qani Saciid Carab.
Waxaa uu xoghayaha
guud amaan usoo jeediyay masuuliyiinta naadiyada heerarka 2-aad iyo 3-aad oo uu
sheegay inay door aad uweyn ka cayaareen dhaqan gelinta siyaasada xiriirka ee
ku aadan soo saarista cayaartoy da’ yar oo tayo wanaagsan taasoo qeyb ka ah
barnaamijka horumarinta dhallinyarada oo horayna natiijooyin wax ku ool ah
looga gaaray.
"Wiilal da’ yar oo
15-jir ilaa iyo 17 jirro ah ayaan fileynaa in ay naadiyada heerka 3-aad ku
matalaan tartanka Axada furmi doona, halka naadiyada heerka 2-aadna ay maantaba
soo safeen cayaartoy da’doodu u dhexeyso 18-20 sano, sidaa daraadeed aniga oo
ku hadlaya magaca xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta waxaan hortiina ka
xaqiijinayaa in naadiyadeenu ay dhab u qaateen si buuxdana u meel mariyeen siyaasada xiriirka ee ah in lasoo saaro
ciyaartoy da’ yar ah”ayuu xogahayaha guud Cabdi Qani Saciid Carab hadalkiisa
sii raaciyay.
Dhankiisa
guddoomiyaha xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta Cali Saciid Guuleed Rooble
ayaa sheegay in horyaalka iminka furmay la rajeynayo in uu noqdo mid aad uga
kulul ugana xiiso badan horyaaladii hore iyadoo sababtuna ay tahaybuu yiri
diyaar garowga aadka u weyn ee naasiyadu soo galeen.
"Waan la socdaa in
ciyaartoy aad loosoo diyaariyay, tayo wanaagsan leh isla markaana da’yar ah ay
halkan joogaan kuwaas oo bandhigooda ugu horeeya ay ku wada qanceen madaxda
xiriirka iyo dhamaan teegaarayaasha jecel kubada cagta, sida aan ka ogaanay
qeybta hore ee cayaarta furitaanka ah ee maanta”ayuu guddoomiye Cali Saciid u sheegay
saxaafada kaddib dhamaadka qeybtii hore ee cayaarta furitaanka oo dhex martay
naadiyada kala ah Al Beder iyo DBG.
Labada naadi mid waliba
waxaa uu isku dayay in uu badiyo isla markaana urursado 3-dii dhibcood ee koox
ku adkaata cayaar kubada cagta ah ay heli lahayd, laakin cayaarta oo aad u
adkeyd ayaa labada naadi midna aanay u suura gelin in uu wax gool ah dhaliyo
waxaana ay kusoo idlaatay bar bar dhac 0-0 ah min hal dhibic ayayna garoonka
kala hoyaadeen.
Intii ay socotay
cayarta furitaanka horyaalka heerka 2-aad ayaa laba cayaaryahan oo labada naadi
ka kala tirsan la siiyay midkiiba hal Jaale sida ku cad shaxda hoose.
AL BEDER FC
Name |
Number |
Date |
Minute |
Caution |
Sharmarke Mohamed Ali |
3 |
19/04/2013 |
51st |
Yellow Card |
DBG FC
Name |
Number |
Date |
Minute |
Caution |
Maslah Mahmoud Ahmed |
25 |
19/04/2013 |
88th |
Yellow Card |
Somali Football Federation Media Department
Email: somalifootballmedia@gmail.com