Xiriirka K/Cagta oo qalab iyo lacago siiyay kooxihiisa Heerarka B & C

Thursday November 15, 2012 - 16:34:05
0 Comments
2323
Super Admin
Talaabo qeyb ka ahayd kobcinta dhaqanka kubada cagta ee dalka Soomaaliya ayaa xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta waxaa uu deeq ka kooban qalab iyo teegeero maaliyadeed gudoonsiiyay kooxihiisa heerarka 2-aad iyo 3-aad, kuwaas oo kaalin weyn ka qaatay horumarinta iyo bad-baadinta kubada cagta dalka Soomaaliya ee dagaaladu la dageen muddo ka badan 20 sanadood oo lasoo dhaafay oo dalku uunsan lahay dowlad dhexe.

Qalabkaas ayaa waxaa loo qeybiyay 17 naadi oo isugu jira heerarka B iyo C. "Anagu mar kastaba waan caawin jirnay naadiyadeena, laakin tani waa markii ugu horeysay ee aanu siino qalab si gaar ah iyaga loogusoo sameeyay oo ay astaanta xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagtu ku daabacan tahay”ayuu yiri guddoomiyaha xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta Cali Saciid Guuleed Rooble.

"Waxaan aad ugu  mahad celineynaa xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta talaabada dhiiri gelinta leh ee uu qalabka iyo deeqda lacageed nagu guddoonsiiyay”sidaasi waxaa munaasabada guddoonsiinta qalabka ka sheegay Xaaji Xuseen Geedi oo ah guddoomiyaha naadiga Gasco oo ku hadlayay afka guddoomiyeyaasha naadiyada qalabka la siiyay.

Xoghayaha guud ee xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta Cabdi Qani Saciid Carab ayaa sheegay in naadiyadani ay dhaqaale ahaan liitaan, laakin ay gacan weyn ka geysteen dib usoo nooleynta kubada cagta dalka Soomaaliya horaantii 90—meeyadii sidaa darteedna ay mudan yihiin in la dhiiri geliyo oo la caawiyo, inkastoo sharciga FIFA uusan qabin in xiriiradu naadiyada wax siiyaan oo taa badalkeeda Naadiyada xaq loogu leeyahay in ay bixiyaan lacago ay ka mid tahay Membership Fee hase ahaatee kuwa Soomaaliya oo aan awood dhaqaale lahayn awgeed ay noqotay in la caawiyo.

"Kooxeheenu muddo dheer ayay shaqeynayeen kaalin ayayna ku lahaayeen dib usoo nooleynta kubada cagta dalka xili ayan heysan wax maal gelin ah oo aan ognahay in biilka reerohooda lacago ay ka jareen ay ku wadeen kubada cagta guddoomiyeyaasha halkan fadhiya”ayuu yiri xoghayaha Guud Cabdi Qani Saciid Carab.

Waxaa uu xoghayuhu sheegay in naadiyadu ay kaalmyestaan dhaqaaale ay iska ururiyeen bulshada deegaanada ay ka dhisan yihiin oo qaarkood ka baxsan yihiin magaalada Muqdisho iyo waliba taageero ay mararka qaar ka helaan dad kubada cagta jecel sidaa daraadeena xiriirka Soomaaliyeed uu ku qasbanyahay in uu kaalmooyin siiyo kooxaha iyadoo uu xiriirku ka dhaadhiciyay FIFA in loo ogolaado in uu kooxaha dhaqaale siiyo si ay ugu wadaan kubada cagta maadaama sharciga FIFA uusan qabin in xiriiradu ay naadiyada dhaqaale ku bixiyaan.

"Ka sokow qalabka  waxaa kooxaha aanu siinay kaalmo dhanka dhaqaalaha ah taasoo qeybka ah barnaamij gaar ah oo aan ugu talagalnay in aanu kooxaha ku maalgelino—Kubad ca g oo dhab ah ayaa ka jirta dalkan laakin kooxuhu ma heystaan wax sponsor ah ama maalgelin sidaa darteed ayaanu caawineynaa, maadaama ay kaalin weyn ku leeyihiin dhaqaajinta kubada cagta dalka”ayuu yiri xoghayaha guud cabdi Qani Saciid Carab oo war saxaafadeed soo saaray.

"Xiriirka kubada cagta waxaa k ago’an in uu dhaqaale ahaan iyo farsamo ahaanba caawiyo kooxihiisa ilaa iyo inta ay ka helayaan cid sponsor gareysa in sponsor la helana waxaa y ku xiran tahay dalka oo amaan buuxa hela”ayuu mar kale war saxaafadeedkiisa ku yiri xoghayaha guud.

Bishii lasoo dhaafay ayay ahayd markii xiririku uu dhaqale guddonsiiyay kooxaha heerka 1-aad ee kubada cagta dalka Soomaaliya oo xiligaas uu u socday horyaalka heerka 1-aad ee dalka oo kala horeyntiisa lagusoo daabacay sanadkii labaad shabakada wararka kubada cagta aduunka ee FIFA.com taariikhda inta la ogyahay.

"Juhdi fara badan ayaan gelinay kooxaha 25-ka ah ee xiriirka u diiwaan gashan kana kooban heerarka kala duwan kuwaas oo sanadkiiba aanu siino kaalmo dhaqaale laakin sanadkan ay tahay markii ugu horeysay ee dhaqaale iyo qalab aanu mar qura guddoonsiino—qalabkaasi waa mid si gaar ah loosoo daabacay oo astaanta xiriirka kubada cagta Soomaaliya ay ka muuqaneyso”ayuu hadalkiisa sii  daba dhigay xighayaha guud.

Xoghayugu waxaa uu ugu baaqay ganacsatada soomaaliyeed in ay maalgeliyaan kubada cagta dalkooda oo la tartamaya dalal kale oo kubadooda cagtu ay heysato maalgelin dowladeed iyo shirkadaha gudaha. Waxaa uu sheegay in kubada cagtu ay kaalin weyn ka cayaartay nabadeynta dalka iyo dhaqan celinta dhalinyaro badan oo horay qoryo u heystay kana qeyb qaatay dagaalada dalka kuwaas oo haatan u cayaara kooxo kala duwan halka qaarkood ay ku jiraan kooxda qaranka ee Ocean Stars .

"Waanu soo dhaweyneynaa ganacsatada gudaha hadii ay daneynayaan in ay xayeysiis ku sameystaan naadiyada isla markaana maalgelin ku sameynayaan kubada cagta”ayuu hadalkiisa sii daba dhigay xoghayahay guud oo sheegay wixii faafaahin ah cidii dooneysa in ay kala soo xiriiri karto waaxda suuq geysta ee xiriirka oo wixii macluumaad ahna laga heli karo shabakada xiriirka kubada cagta.

Waxaa uu xoghayuhu sheegay in dhawaan uu soo dhamaan doono dhismaha ku socda garoonka kubada cagta Stadium Banaadir ganacsato badana ay u baahan doonaan in ay garoonkaas xayeysiino kusoo bandhigtaan laakin mudnaanta ugu horeysa ay lahaan doonaan shirkadaha hada u dhuundaoola maalgelinta cayaaraha ama xiriirka dhow ee xaga wada shaqeynta ah la leh xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta.

NB: Sawirro dheeri ah ka daaloco qeybta Englishka ee webka: http://somsoccer.com/en/articles/565/Somali-FA-equips-its-Clubs-gives-financial-support

 

Somali Football Federation Media Department

Email:somalifootballmedia@gmail.com



Leave a comment