Natiijooyinka kulamadii Horyaalka heerka 3-aad ee Soomaaliya

Thursday September 20, 2012 - 12:05:35
0 Comments
3271
Shaafici Muxyidiin
Kooxda Kubadda cagta ee DBG ayaa guul ka gaartey kulankeedii ugu horeeyey ee horyaalka kooxaha Seria C ee dalka Soomaaliya kaasi oo ka socda garonka kubadda cagta ee jaamacadaha Muqdisho.



Tartanka oo ay soo agaasimeen xiriirka kubadda cagta ayaa waxaa ka qeybgalaya ilaa 9 kooxood oo ka tirsan 25-ka naadi ee u diiwaan gashan xiriirka, waxaana kooxaha ay yihiin kuwo keenay ciyaaryahano da’yar oo mustaqbal ku leh kubadda cagta.

Kooxda kubadda cagta ee DBG oo xili ciyaareedkii hore ku ciyaareysay magaca CCD ayaa waxay xiligaan so bandhigtey ciyaaryahano tayo sare leh,iyagoo diyaar garoow xoogan ku jirey bilihii aynu soo dhaafney,waxaana Tababrayaal u ah laacibkii hore ee Ajeeloow iyo Abuukar Xasan.

Kulankoodii ugu horeeyey ee ay ciyaaraan waxay 2-0 uga adkaadeen kooxda Geeska Africa oo iyana soo bandhigtey ciyaar aad u wanagsan oo farsamo ay ku dheehan tahay.


Kooxda DBG ayaa waxaaa goolasha u kala dhaliyey laacibiinta kala ah C/raxman Al cadaala & Maxamed Otte,iyadoo dadweynihii taageerayaasha ee daawanayey ay si weyn uga heleen ciyaarta ay soo bandhigeen labada kooxood oo lagu tilmaamay inay ku jiraan xidigo taf ah oo yar yar.

Gudoomiyaha kooxda DBG Bashiir salad Barre (Bashiir-Dheere)ayaa sheegey in kooxda niyad dhis fiican ay heystaan,sidasi darted iyagoo ku xisaabtamaya tababarkii u socdey mudada iyo ciyaaryahanada cusub ee ay keensadeen ay rajeynayaan in horyaalka ay ku guuleystaan weliba dhibco aad u badan ku qaadi doonaan.

Kulamadii kale ee la ciyaaray  Jamhuuriya waxay 2-1 uga badisey  Midnimo, Fc banaadir 3-1 waxay ku dhufatey Hilaac, Gesco 4-2 Sped ayey ku dhaaftey,halka Midnimo iyo Fc Banaadir 0-0 ku kala tageen.

by C/xafiid zaciimka

Zaciimka02@hotmail.com

Somali Football Federation Media Department

 

Email:somalifootballmedia@gmail.com

 

 


Leave a comment