Xiriirka K/cagta Soomaaliya oo ka hadlay qorshihiisa goballada dhexe

Tuesday February 07, 2012 - 12:53:50
0 Comments
2421
Shaafici Muxyidiin
Xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta ayaa maanta oo Salaaso ah waxaa uu ka faafaahin ka bixiyay qorshihiisa xaga horumarinta ee gobalada dhexe ee dalka Soomaaliya oo ka kooban seminaaro lagu marti gelin doono Galmudug bisha March ee soo socota.


Seminaaradaas oo noocyo kala duwan isugu jira ayaa bilaaban doona todobaadka 2-aad ee bisha Marasoo ee soo socota sida uu maanta war saxaafadeed ku sheegay xoghayaha guud ee xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta Cabdi Qani Sacid Carab.

 

War saxaafadeedkan oo ay shaacisay waaxda warfaafinta xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta ayaa xoghayaha guud waxaa uu ku sheegay in Seminaarada oo dhamaantood ka dhici doona magaalada Gaalkacyo ay ka faa’iideysan doonaan 80 ruux.

 

“Seminaarka dhanka maamulka kubada cagta ah waxaa ka qeyb geli doona 20 ruux oo isugu jira guddoomiye yaal iyo xogheynada maamullada kubada cagta ee goballada Shabeelaha Dhexe, Hiiraan, Galgaduud iyo Mudug, waxaana looga gol leeyahay in sare loogu qaado aqoontooda maamul ee kubada cagta, halka 20 ka mida macalimiinta hada gobaladaas ka shaqeeya loo qaban doono seminar iyagana aqoontooda kor loogu qaadayo”ayuu xoghayaha guud ku sheegay war saxaafadeedkiisa oo intaana sii daba dhigay in 40 garsoore oo cusub iyagana tababr loo qaban doono.

 

Dhamaan koorsooyinkaas oo is bar-bar socon doona ayaa mudada loo qorsheeyay waxaa ay tahay 14 maalmood sida ku cad qorshe howleedka xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta ee gobalada dhexe sanadka 2012-ka.

 

Xoghayaha guud ee xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta Cabdi Qani Saciid Carab wuxuu war saxaafadeedkiisa ku sheegay in xiriirka Soomaaliyeed uu aad uga mahad celinayo maamulka Galmudug aqbalaadii uu aqbalay in uu deegaanadiisa ku marti geliyo tababarradan.

 

Ujeedooyinka laga leeyahay tababarradan.

 

War saxaafadeedku waxaa uu si faafaahsan uga hadlay ujeedooyinka uu xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagtu ka leeyahay qabashada tababaradan kala duwan waana sidan.

 

Ø      In Sare loo qaado xirfadaha iyo aqoonta kubada cagta ee dadka gobaladan ku nool.

Ø      In awooda iyo wax qabadka xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta lagu baahiyo gobalada dalka.

Ø      In la abuuro xir-fadyahanno dhinacyada maamulka kubada cagta, garsoorka iyo macalimiintaba ah.

Ø      In dadka goballadan lagu gacan siiyo in ay helaan aqoon ku filan si mustaqbalka dhow ay awood ugu yeeshaan in ay maareeyaan howlohooda  shaqo.

Ø      Koorsooyinkan kaddib xiriirka Soomaaliyeed wuxuu abaabuli doonaa tartamo deeganadan u gaar ah si loo ogaado sida ay tababaradaas uga faa’iideysteen.

Ø      In laga hortago dhalinyarada deegaanadan in loo adeegsado dagaalada Soomaaliya ka jira.

 

Warsaxaafadeedka xoghayaha guud ee xiririka Soomaaliyeed ee kubada cagta uu maanta soo saaray waxaa lagu sheegay in dhamaan koorsooyinkan ay bixin doonaan macalimiin Soomaaliyeed oo dhamaantood ku jira liiska macalimiinta u diiwaan gashan xiriirka kubada cagta qaraada Africa ee CAF.

 

 

Somali Football Federation Media Department

Email:somalifootballmedia@gmail.com

 



Leave a comment