Eto'o "Waxaan ku nagaanayaa kooxdeyda Barcelona"!!

Tuesday September 02, 2008 - 10:07:57
0 Comments
3596
Shaafici Muxyidiin
Gool-dhaliye Eto'o "Waxaan ku nagaanayaa kooxdeyda Barcelona"!!

Ciyaaryahan weerarka ee kooxda Barcelona Samuel Eto'o ayaa aad ugu faraxsan in mar kale uu ku soo laabto ciyaartooyda safka hore ee kooxda Barcelona kaddib markii xalay uu dhaliyay laba ka mid ah 4-gool oo kooxda Barcelona ay ku dar-dartay kooxda  Wisla Krakow  kulan ka tirsanaa is reeb- reebka koobka horyaaladda Yurub ee Champions League, waxaana Eto'o oo ka mid ahaa dhowr ciyaartooy  oo  uu ku sanifay tababaraha cusub ee kooxda Guradiola, iyadoo inta badan ciyaartooydaas ay ka tageen kooxda.

"Wax tagay tiigsimo ma lahan, hadda iyo wixi ka dambeeya waxaan aahaan doonaa ciyaartooy Barcelona u ciyaaraha, waana ku nagaanayaa kooxdeyda, aniga ayaa iska leh mustaqbalkeyga waana ka fikiray mar hore, sidaas daraadeed waa in aan wada taageernaa kooxdeena Barcelona" ayuu yiri Eto'o oo aad ugu faraxsan inuu mar kale soo ban dhigo ciyaarihiisii lagu yaqaanay.

"Waan ku faraxsanahay waana uga mahacelinayaa taageerayaasha oo  mar kasta Magaceyga ku heesa, waayo dhiiro galintan ay i siinayaan ayaan ka shidaal qaadanayaa, sanadkana waxaan sameyn doonaa guulo aan ku wada raaxeysano" ayuu sii dabab dhigay 27-jirkan wadan Cameroon ka soo jeeda ee Eto'o oo sidaas oo kale yiri "Eto'o mar kasta waa Eto'o, wax is bedel ah iguma dhicin".

Eto'o ayaa ka mid ahaa ka mid ahaa dhowr ciyaar yahan oo kooxda Barcelona lag fasaxay, laakiin hadda u muuqda inuu sii joogi doona kooxdiisa, waxaana ciyaartooydii hore kooxda looga fasaxay ka mid ahaa Lilian Thuram, Deco, Ronaldinho, Giovanni iyo Gianluca Zambrotta, iyadooo dhinaca kale ay jiraan koox doonaya ay in la saxiixdaan laacibka reer Africa ee Eto'o.



Leave a comment