waxaana Reyes uu kooxda Benfico ugu biirayaa si deyn ahaan ah, iyadoo kooxda Atletico Madrid ay xaqiijisay in laacibooda wadan Spain ay si ugu biirayo kooxda Benfica ee wadanka Portugal.
Laakiin si rasmi ah ciyaaryahan lagu kala iibsado waxaa ugu dambeeyay laacibka wadanka Holland ee Rafael Van der Vaart oo si rasmi ah ugu biiray kooxda K/cagta ee Real Madrid ee wadanka Spain, waxaana Van uu heshiis 5-sano ah qalinka ugu duugay kooxda Real Madrid, wuxuuna buuxin doonaa booskii uu ka dhaawacmay saaxiibkiis Wesley Sneijder todobaadkii hore dhaawac xoog leh uu ka soo gaaray seedka muruqa ee jilibka bidix.
Inta badan kooxaha Yurub ugu waaweyn waxay weli ku jiraan adeegooda ku aadan suuqa kala iibsiga ciyaartooyda, waxaana suuqu uu xirmi doonaa saqda dhexe ee habeenka Khamiista ah ee bishu ku beegan tahay 31, waxaan ilaa hadda ciyaartooyda la kala iibsaday ay kala yihiin:-
MACAGA | KA TAGAY | KU BIIRAY |
José Antonio Reyes | Atlético Madrid | Benfica |
Van Der Vaart | Humburg | Real Madrid |
Amaury Bischoff | Werder Bremen | Arsenal |
David Bentley | Blackburn | Tottenham |
Seydou Keita | Sevilla | Barcelona |
Martín Cáceres | Villarreal | Barcelona |
Robbie Keane | Tottenham | Liverpool |
E. Diouf | Bolton | Sunderland |
Sulley Muntari | Portsmouth | Inter Milan |
C. Makelele | Chelsea | Paris |
Guily | Roma | Paris |
Lilian Thuram | Barcelona | Paris |
Mancini | Roma | Inter |
Ronaldinho | Barcelona | Milan |
Mathui Flamini | Arsenal | Milan |
Alex Hleb | Arsenal | Barcelona |
Daniel Aleves | Sevilla | Barcelona |
Deco | Barcelona | Chelsea |
Oleguer | Barcelona | Ajex |
Soldado | Real Madrid | Getafe |
Paul Robinson | Tottenham | Blackburn |
Román Martínez | Arsenal | Espanyol |
Gilberto Silva | Arsenal | Panathinakos |
Sami Nasri | Marseille | Arsenal |
G.Zambrtotta | Barcelona | AC Milan |
Amauri | Palermo | Juventus |
Ezquiel Garay | Santander | Real Madrid |
Hatem Ben Arfa | Lyon | Marseille |