Siyaasada Galiani iyo Berlusconi ee ACMilan:

Tuesday September 02, 2008 - 09:43:01
0 Comments
4451
Shaafici Muxyidiin
Ma ilduuf mise axmaqnimo??!!

Xilli ay maamulka kooxda ACMilan ku dhawaaqeen inuu dhamaaday adeegoodii suuqa kala iibsiga ciyaatoyda ee xiliga xagaaga kadib markii ay gacanta ku dhigeen laacibiinta kala ah: Marco Boriello, Cristian Abiatti, Mathieu Flamini, Gianluca Zamparota iyo ugu danbeyn aabaha weyn ee kubada aqriya ee reer Brazil Ronaldinho de assis Moreira ayaa waxaa muuqanaya inay weli dhibaatoooyin ka taaganyihiin waaxaha kala duwan ee kooxda AC Milan sida goolka, daafaca, khadka dhexe iyo weerarka intaba.

Kooxda ACMilan oo uu majareheeda maamul uu 1986-kii la wareegey Silvio Berlusconi-maalqabeenka talyaaniga ah isla markaana ka galaa baxa siyaasada talyaaniga oo uu iminka ka yahay Ra'iisul Wasaare, waxayna kooxdu intii ay taliskiisa ku jirtey hanatay 7 horyaal iyo 5 koobka horyaalada Yurub ah iyadoo ay Kooxda ACMilan soo martay waayeheedii ugu macaanaa ee dahabiga (Golden era) dhamaadkii 80-maadkii iyo horaantii 90-maadkii oo ay kala hogaaminayeen tabarayaashii Arigo Sachi iyo Fabio Capello taasoo kooxda ka dhigtay tan ugu guulaha badan kooxaha aduunka marka ay timaaddo dhinaca koobabka caalamiga ah iyo kuwa qaaradeed ee ay xalaaleysatay oo dhan 18 koob taas oo ka hormarisay Kooxda ku soo xigta ee reer Arjentiin Boca Juniors oo heysata 17 koob iyo Real Madrida dalka Spain oo 16 gacanta ku dhigtay kana dhigeysa AC Milan kooxda ugu mudan Yurub marka loo eego dhigeeda reer Talyaani sida Juve iyo Inter Milan.

Laakiin guulahaas waxaa mar mar hareeeya guuldarooyin soo dhex gala taasoo waxba kama jiraan kasoo qaadda xusuustii 1991-kii ilaa 1993-kii oo aan kooxda Rossoneri hal kulana dhinaceeda dhulka la dhigin.

Xaqiiqdii wax kasta oo dhashaa way dhintaan balse markii aad eegto Milan-tii la ciyaartay Chelsea waxaan loo fadhiyin ayay aheyd natiijadii ay kala soo hoydeen kulankaa, tiiyoo ay jirto inaan la iloobin laacibiinta muhimka ah ee ama maqnaa ama dhaawaca ahaa sida Nesta, Kaka, Ronaldinho, Pato, Inzaghi iyo Boriello.

Guuldaraas 5-0 ta aheyd dabcan waa laga yaabaa inaysan aheyn cadeyn hordhac ah oo muujin karta khasaare kusoo fool leh Milanta loo saadaaliyey inay sanadkan ku guuleysan doonto horyaalka Talyaaniga iyo Koobka UEFA balse waa wax si uun loogala dhex bixi karo in guuldarooyinkii dhaliyey inay sanadka Milan ka maqnaato koobkii ay caadeysatey ee Horyaalada Yurub ay ciladdii weli sii jiri karto.

"Uma maleyneyn in maqnaashaha dhowr ciyaartoy ay sidan noo saameyn karto" ayaa laga qoray tababare Carlo Ancelotti oo ciyaarta kadib la hadlayey wargeyska caanka ah ee Corierre delo Sport ee kasoo baxa Talyaaniga.

Tan kale in kasta oo wax la qabtay xiliciyaareedkan lana soo iibiyey laacibiin muhim ah hadana kuma filla baahida heysata Milanta daafaca ka daxaleysatey iyo goolhayayaasha duugoobey ee da'doodu u dhexeeyso 31 ilaa 36 jir kuwaas oo u baahan in lagu bedelo jiil caaboon oo dhiig cusub geliya kooxda boloshay.

Waaxda hore ee weerarka markaan eego la iskuma haleyn karo qawaarka reer talyaani ee Flippo Inzaghi inkasta oo uu weli fir-fircoonyahay waxaa la xuslinaya da' iyo dhaawac soo noqnoqday xiliyadan dambe,t aasoo culeys badan dusha ka saareysa weeraryahanka aan weli is muujin ee Marco Boriello.

Waaxda khadka dhexe waa halka ugu xoogan kooxda, soo iibsaga Flamini-na waxay kaalmaati u noqoneysaa Gattuso iyo Ambarosini inkastoo aanay weli meesha ka bixin ku tiirsanaantii laacibka lama bedelaanka ah ee Andrea Birlo marka aad eegto saameyntiisa hal abuur ee khadka dhex, waxayna taasi sii joogteyneysaa in markasta la safo Pirlo oo daalan oo outform ah.

Dhanka kale la soo wareeegista lagu kala qeybsanyahay ee Ronaldinho ayaa lafteeda lagu tilmaami karaa qamaar inksata oo laga yaabo inuu ku kifaaxo wax la mid ah waayihii Zinadine Zidane ee kooxda Real Madrid balse waxay taasi ku xirantahay sida uu isu muujiyo isla markaana ula jaanqaado laacibiinta khadka dhexe ee kooxda sida Seedorf, Pirlo, Kaka, iyo Flamini tiiyoo ay dad badani khasaarihii Brazil ee koobka aduunka 2006-da wax ka saarayaan Kaka iyo Ronaldinho oo aan marnaba isula fahmin shabta ciyaarta sida laga filan karo.

Marka ay timaado saxiixa Zambarota waa mid muujineysa wax u eg ilduufka kooxda ay ee xiliciyaareedkan, Maadaama ay joogaan laacibiin dhowr ah oo ka ciyaara dadabka midig sida Massimo Oddo iyo Danielle Ponera, Zambarota wuxuu ahaa xidig heer caalami ah (world class) balse tan iyo libtii talyaaniga ee koobka aduunka wuxuu ahaa hooskiisii oo qura isagoo u xuubsiibtey ninka ugu tarkiizka yar daafacii talyaaniga ee ka qeyb galay koobkii EURO 2008 oo ay talyaanigu kaga bexeen wareega 8-da markii ay Spain gool ku laad uga adkaatay inkabadan 80 sanadood kadibna soo afmeertay record-kii talyaaniga ee guuldara la'aanta ahaa marka ay timaado kulamada caalamiga ah ee uu Talyaanigu kaga hor tegey Spain.

Alesandro Nesta ayaa iminka ah ninka qura ee ay ishu qabaneyso marka ay timaado khadka danbe ee kooxda isna waxaa markasta dhuunta u gala dhaawacyadii keenay inuu sanadkii tegey ka howlgabo ciyaaraha caalamiga ah, inta badana halakeeya kulamadiisa heerka kooxeed isagoo iminkadan la joogo kasoo kabanaya dhaawac dhinaca dhabarka ah waana mida dhalisay inuu gudoomiye ku xigeenka kooxda Adriano Galiani uu soo hindiso in Ambrossini laga ciyaarsiiyo dadabka dhexe ama lambarka 4-aad taasoo ka dhigaysa Galiani laftiisa nin naqaya gar isaga ku naqsan maadaama aanu xiliga soo iibsan daafac dhexe oo ka difaac geli kara lanbarka 4-aad isla markaana aanu xitaa bedelin goolhayayaasha duqoobey ee la degaya sharafta kooxda oo kii ugu danbeeyey uu ahaa goolwalaha 36 jirka ah ee reer Australia Slajko Klac oo kulankii Chelsea kubad loo dhigay lugta la waayey isagoo khaladkiisa laga garan karo goolasha aan loo baahneyn ee ka dhashay 135 daqiiqo oo ah hal ciyaar iyo bar laga dhaliyey 7 gool.

Hadaba hadaan hoos u dhigo liishaankeyga kooxda ACMilan ayaa la oran karaa way kasii dareysaa xili nimanka sare ay taageerayaasha ku qancinayaa inay soo iibiyeen Ronaldinho oo isagu xalin doona waxkasta, isla markaana Milan-ta tacbaanka ah u gacan gelin doono Koobka Scudeto iyo kan UEFA waa hadii ay "FAR KALIYIHI FOOL DHIQI JIRTEY" hadaba aanu dhowrno isbedelka yimaada inkasta oo laga yaabo inay wax hagaagaan waxaan dhihi karnaa waa uun "nasiib".

waxaana muuqaneysa in Berlusconi oo ku mashquulsan siyaasada aanu ka gorgortami doonin waxa uu u arko mihnada uu jecelyahay, isagoo iminka ka doorbidaya in fara laga qaado dadka sharci darada ku jooga Talyaaniga guud ahaan gaar ahaan kuwa looyaqaano Roma, halkii uu wax ka qaban lahaa dhibaatada raagtey ee kooxdiisa AC Milann ka heysata helista laacibiinta ay u baahantahay, su'aasha taagan ayaa markaa noqoneysa Berlusconi iyo Galiani ma ilduuf baa galay mise si fudud waa axmaqyo banaan??.



Leave a comment