CECAFA oo ku amaantay Eritrea abaabul wanaagsan

Friday August 13, 2010 - 13:36:22
0 Comments
2558
Shaafici Muxyidiin
Iyadoo lagu wado barri oo sabti ah in tartanka CECAFA U-20 uu ka furmo magaalada Asmara ee dalka Eritrea ayaa ururka maamula kubada cagta dalalka gobalka ee CECAFA waxaa uu Eritrea ku amaanay abaabulka wanaagsan oo ay sameysay cayaaraha ka hor.


Isagoo ka hadlayay shir jaraa’id kadib kulankii guddiga qaban qaabadu uu saaka ku yeeshay hotelka Asmara palace Hotel ayaa xoghayaha guud ee CECAFA Nicholas Musonye waxaa uu sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay sida Eritrea ay u wajaheyso marti gelinta tartankan oo uu sheegay in uu ku rajo weyn yahay si guul ah in uu kusoo dhamaado.

 

 “Ma ahan wax fudud in 9 dal la isugu keenop hal meel oo tartan loogu qabto, aniga oo ku hadlaya magaca guddoomiyaha CECAFA iyo guddigiisa fulintana waxaan aad uga galad heynaa dowlada Eritrea, xiriirka kubada cagta iyo shacabkaba masuuliyada weyn oo ay xambaareen”ayuu yiri xoghayaha guud ee CECAFA.

 

“Dhamaan kooxaha tartanka ka qeyb galaya tartanka waxaa ay ku yimaadeen si nabad ah, waxaana la dajiyay hoteelo heer sare ah soo dhaweyn wanaagsana waa loo sameeyay, runtiina arrinkaas waan bogaadinayaa”ayuu hdalkiisa sii daba dhigay Musonye.

 

Waxaa uu sheegay in uu Asmara yimid bil ka hor uuna aad ugu faraxay wixii uu halkan kula kulmay intii uu joogay, isagoo xusay in dalkan yari uu muujiyay diyaar garow aad u xoog badan.

 

Sida uu sheegay Musonye Eritrea waxaa ay sanadka dambe sidan oo kale marti gelin doon taa tartanka haweenka ee dalalka CECAFA ku jira.

 

Guddoomiyaha xiriirka kubada cagta Eirtrea ahna guddoomiyaha guddiga qaban qaabada Tesfaye Gebreyesus ayaa dhankiisa sheegay in xiriirka iyo dowladuba ay sameeyeen wax kasta oo karaankooda ah si ay ugu guuleystaan meel marinta tartan wanagasan.

 

“Ka Eritrea ahaan waxaan aad ugu faraxsanahay marti gelinta dhacdadan weyn, inkastoo ay noo tahay markii ugu horeysayna waxaan ku rajo weynahay in wax kasta ay sidii loogu tala ghalay ku dhamaadaan”ayuu saxaafada u sheegay Tesfaye.

 

Sagaal dal ayaa ka qeyb qaadanaya tartankan waxaana ay kala yihiin sidan soo socota : Eritrea, Sudan, Somalia, Kenya, Uganda, Rwanda, Tanzania, Zanzibar iyo Yemen oo aan gobalka ka mid ahayn laakin lagu casuumay sida uu sheegay xoghayaha guud Nicholas Musonye. Wadamada: Ethiopia, Djibouti iyo Burundi oo gobaklka ka mid ah ayaa tartanklan ka maqan.

 

Somali Football Media Department

+25250 930226 Telephone Office

+2521 600601   Fax

Email:somalifootballmedia@gmail.com



Leave a comment