Doorashada waxaa ku loolamay 8 murashax oo ka kala socday
dalalka ku bohoobay ururka CECAFA, waxaana loo tartamayay 5 boos oo guddiga
fulinta ah. Shanta masuul ee ku guuleystay doorashada waxaa ay kala yihiin: Abdiqani
Said Arab (Somalia) Wallace karia (Tanzania), Aimable Habimana (Burundi), Ms
Doris Petra (Kenya) and juneidi Tilmo (Ethiopia), halka Moses Magogo (Uganda), Kourecha Ali Guedi (Djibouti)
iyo Vincent Nzamwita (Rwanda) ay
tartanka isaga bexeen markii ay xaqiiqsadeen in laga adkaanayo.
Xubnaha gudiga fulinta ayaa xafiiska joogi doona afarta sano ee soo socota, iyadoo la raacayo dastuurka CECAFA oo dhawaan is badal lagu sameeyay halka markii hore xubnaha guddiga fulinta uu waqtigoodu ahaa laba sanadood oo keliya.
"Is badalka lagu sameeyay dastuurka waxaa si wada jir ah
u ogolaaday dhamaan dalalka CECAFA
shirkii ka dhacay Khartuum dalka Sudan 30-kii bishii September ee
sanadkanā€¯ayuu yiri Mudane Cabdiqani Saciid Carab oo sidoo kalana sii haya
xilkiisii gudodomiye ku xigeenka CECAFA.
Somali Football Federation Media Department
Email:info@somsoccer.com