Madaxda Isboortiga dalka oo umadda Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay Bilashada Bisha Ramadaan.

Wednesday June 17, 2015 - 19:23:34
0 Comments
4592
Super Admin
Iyadoo Muslimiinta caalamku ay bilaabeen gudashada waajibaadka Soonka ayaa madaxda Isboortiga dalka Soomaaliya waxaa ay umada Soomaaliyeed u rajeeyeen wanaag, isla markaana ugu hambalyeeyeen bilashada bisha barakeysan ee Ramadaan.


Guddoomiyaha guddga Olimbikada Soomaaliyeed, Cabdullaahi Axmed Tarabi iyo guddoomiyaha xiriirka Soomaaliyeed ee kubada Cagta, Cabdiqani Saciid Carab oo qoraal wada jir ah kasoo saaray xafiiska guddiga Olombikada Soomaaliyeed ee magaalada Muqdisho, kadib markii la xaqiijiyay dhalashada bisha Ramadaan maqribnimadii Arbacada ayaa shacabka Soomaaliyeed waxay u rajeeyeen nabad iyo Ramadaan Barwaaqo leh.


"Waa xilli aad u muhiim ah oo leyska xoreeyo Naarta, sidaa daraadeed waxaan ugu baaqeynaa umada Soomaaliyeed meel kasta oo ay caalamka ka joogaan in ay muujiyaan daacadnimo isla markaana is caawiyaan dhexdooda”ayaa lagu yiri qoraalka sida wada jirka ugasoo baxay guddoomiyeyaasha guddiga Olimbikada Soomaaliyeed iyo xiriirka Soomaaliyed ee kubada cagta.



"Ramadaankani wuu ka duwan yahay Ramadaanadii hore noosoo maray, maadama uu kusoo beegmay xili dalka nabadi kusoo laabaneyso Isbootiga Soomaaliyana uu horu kac weyn ku talaabsaday, waxaana rajeyneynaa in horumarkaas uu sii socdo” ayaa mar kale lagu yiri war saxaafadeedkan madaxda hey’adaha Isboortigu soo saareen.


Muddo bil ah oo ka bilaabaneysa 18-ka June, in ka badan hal bilyan iyo bar Muslimiin ah ayaa gudan doona waajibaadka Ramadaanka, iyagoo isla markaana laba laabi doona cibaadaadkii ay horay u sameyn jireen, sida oogida salaada taraawiixda iyo cibaadooyin kale, iskana dhaafi doona dhamaan wax-yaabihii laga reebay inay sameeyaan xilliga maalintii.


Somali Football Federation Media department

Email: info@somsoccer.com



Leave a comment