Marxuum Maxamed Carab ayaa dhowrkii
maalmood ee lasoo dhaafay ku xanuunsanayay magaalada Gaalkacyo waxaana maanta
loosoo qaaday Magaalada Muqdisho si loogu dabiibo balse islamarkii la keenayba
tii Alle ayaa u timid oo waa uu geeriyooday.
"Aniga oo ku hadlaya magaca bahweynta
kubada cagta Soomaaliya, waxaan tacsi u dirayaa xogayaha guud ee xiriirka Cabdi
Qani Siciid Carab oo aan uga tacsiyadeyneyno geeridii ku timid adeerkiis Alle
ha unaxariistee Maxamed Carab oo maanta ku geeriyooday magaalada Muqdsiho”ayuu
qoraal uu soo saaray ku sheegay guddoomiyaha xiriirka Soomaaliyeed ee kubada Cagta
Mudane Cali Saciid Guuleed Rooble maanta.
Madaxda xiriirka ee tacsida diraya waxaa ay
kala yihiin: Guddoomiye Cali Saciid Guuleed Rooble, Guddoomiye ku xigeenka
1-aad Cali Cabdi Maxamed (Shiine) iyo guddoomiye ku xugeenka arrimaha
horumarinta gobalada Cabdullaahi Abow Xuseen.
Xubnaha
guddiga fulinta: Bashiir Maxamuud Geeseey, Mustaf Cilmi Afrax, Yaxye Maxamed Abuukar, Xasan macalin Yuusuf,
Saciid Cabdalla Maxamed, Cabdirashiid Xuseen Caddow, Xiireey Axmed Rooble, iyo
Cusmaan Jaamac Diraac.
Xogheynta: Xasan Maxamed
Maxamuud, Caamir Cabdi Xasan, Shaafici Muxuyadiin Islow, Abuukar Islow Xasan,
Cabdi Cabdulle Axmed (Baasaale), Xasan Sheylillah
Cadde, Cali Maxamed Axmed iyo agaasimaha farsamada Macalin Cawil Ismaaciil
Maxamed.
"Murugada waan la qeybsanaynaa walaalkeen
Cabi Qani waana uga tacsiyadeyneynaa isga iyo qaraabadiisaba geeridii ku timid
adeerkiis Maxamed Carab”sidaasi waxaa yiri wakiilka dhinaca maamulka ee
xiriirka Soomaaliyeed u fadhiya dalka Ingiriiska Dr. Cabdi Colaad Raage oo ku
hadlayay magaca bahweynta kubada Cagta ee ku nool dalka dibadiisa.
Sidoo kale dhamaan madaxda naadiyada kubada
cagta, garsooreyaasha, macalimiinta iyo cayaartoyduba waxaa ay tacsi taa la mida
u dirayaan xoghayaha guud Cabdi Qani Saciid Carab oo adeerkiis Maxamed Carab uu
maanta oo isniin ah ku geeriyooday
magaalada Muqdsiho. Alleha u naxariisto AAMIIN !!!
Somali Football federation Media Department
Email:somalifootballmedia@gmail.com