Waxaa sidoo kale xiriirku shaaciyay astaanta rasmiga ah
ee cayaartaas oo calaamadaha labada naadi iyo taariikhda la qabanayo ay ka
muquanayaan. Naadiga Elman ayaa heysta horyaalka dalka halka naadiga Banaadir
Sports Club ( Ex Banaadir Telecom) uu isna heysto koobka General Daa’uud.
Guddoomiyaha guddiga tartamada xiriirka Soomaaliyeed ee
kubada cagta Mudane Cali Cabdi maxamed (Cali shiine) oo war saxaafadeed soo saaray
ayaa sheegay in labada naadi ee Elman iyo Banaadir ay yihiin kuwo aad u nasiib badan maadaama ay fursad u
heleen in ay noqdaan labada naadi ee ugu horeeyay ee ku cayaara garoonka kaddib
markii cows-ka la saaray.
"Garoonka qeybo aan badneyn oo ka mida wali dib u dhis ayaa ku
socda, laakin goobta cayaartu diyaar ayay u tahay in tartan lagu qabto—xiriirka kubada cagta Soomaaliyeed
wuxuu gaaray go’aanka ah in la qabto koobka koobabka waqtiga aan soo sheegnay,
sababtoo ah in dhameystirka dhismaha lasii sugo waqti kale ayay qaadaneysaa, taasina
waa sababta aanu u qaadanay go’aanka ah in cayaartan la qabto madaaama waqtigu
nagu yar yahay howlo farabadana na horyaaliin”ayuu war saxaafadeedkiisa ku yiri guddoomiyaha guddiga tartamada Cali
Cabdi maxamed (Cali Shiine).
War saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in cayaarta koobka
koobabku ay noqoneyso tii ugu horeysay ee garoonka lagu qabto tan iyo markii
cows-ka la saaray. Horyaalka heerka 1-aad ee dalka ayaa isna la filayaa in uu
malamo kadib furmo sida qorshuhu yahay. Horyaalkan ayaa ah tartanka ugu shacbiyada iyo xiisaha
badan cayaaraha isboorti ee lagu qabto dalka Soomaaliya.
Waxaa war saxafadeedka lagu sheegay in qolalka labiska
cayaartoyda, musqulaha, qolka lagu qabanayo shirarka jaraa’id cayaaraha kaddib,
hoolalka shirarka iyo qeybo kale oo badan dayactitrkoodu soo dhamaaday inkastoo
wali ay dhimantahay qeybta VIP-da oo aad muhiimad ugu leh bilicda garoonka, taasoo
sida war saxaafadeedka lagu xusay dhismeheedu sii socon doono lana rajeynayo in
FIFA ay soo dhameystirto ka hor dhamaadka sanadkan.
Boqolaal ka mida taageerayaasha kubada cagta ayaa maalin
kasta soo booqda garoonka iyagoo isku dayaya in ay bal ogaadaan xiliga
tartamada lagu bilaabi doono garoonkan.
"Tirada dadka Soomaaliyeed ee garoonka soo booqanaya aad
ayay u kordheysaa maalinba maalinta ka dambeysa, sababtoo ah dadka Soomaaliyeed
aad ayay u jecelyihiin cayaaraha kubada cagta waxaana taa sii dheer iyagoo aad
ugu hamuun qaba mar uun in ay cayaaro ku dawadaan garoon heer caalami ah oo
noociisa oo kale aanay Soomaaliya horay u yeelan”ayuu war saxaafadeedkiisa ku
sheegay guddoomiyaha guddiga tartamada Mudane Cali Cabdi Maxmed (Cali shine).
Cayaarta koobka
koobabka oo dhex mari doonta naadiyada Elman FC iyo Banadir Sport Club
ayaa dhici doonta maalinta khamiista ah ee inasoo aadan oo taariikhduna ku
beegan tahay 17-ka bisha October sanadka 2013 saacadu marka ay tahay 03:30-ka
galabnimo.
Somali Football Federation Media department
Email:somalifootballmedia@gmail.com