Guddoomiye Cali Saciid Guuleed Rooble oo hogaaminayay
xubno ka tirsan guddiga qiimeynta dhismaha garoonka ayaa soo kormeeray qeybaha
kala duwan ee garoonka sida qolalka labiska cayaartoyda, qeybaha nadaafada,
hoolka loogu talagalay in lagu qabto shirarka jaraa’id cayaarta kaddib, iyo
qeybo kale oo muhiim ah.
Guddoomiye Cali Saciid Guuleed Rooble iyo wafdigiisa ayaa
sidoo kale soo kormeeray in adeega koronto ee
garoonku shaqeynayo, waxaana ujeedada kormeerku ay ahayd in lasoo hubyo
in garoonku u diyaarsan yahay marti gelinta tartanka horyaalka heerka 1-aad oo
ah tartanka ugu xiisaha iyo shacbiyada badan dalka Soomaaliya.
"Waxaa ay noqon doontaa guul weyn iyo talaabo taariikhi
ah oo horay loo qaaday hadii horyaalka dalka lagu qabto garoonk heer caalami
ah, inta badan shacabka Soomaaliyeed aad ayay u jecelyihiin cayaarta kubada
cagta, waxaana mar kasta aragna adad aad u farabadan oo na weydiinaya xiliga
horyaalku furmi doono, taas ayaana muujineysa in dadweynaha Soomaaliyeed ay aad
u dhararayaan bilowga tartanka”ayuu yiri guyddoomiye Cali Saciid Guuleed Rooble
oo war saxaafadeed soo saaray kaddib markii uu xaalada garoonak soo indha
indheeyay.
Guddoomikyaha ayaa ugu bishaareeyay dad-weynaha Soomaaliyeed
ee kubada cagta jecel in horyaalka dalka ee heerka 1-aad uu si rasmi ah u furmi
doono 18-ka bishan.
Waxaa uu Guddoomiye Cali Saciid Guuleed Rooble sheegay in
helitaanka garoon casri ah oo lagu cayaaro horyaalka dalka ay sii kordhin doonto
xiisaha iyo rabitaanka shacabka Soomaaliyeed ay uqabaan kubada cagta, maadaama
buu yiri qof kasta uu doonayo in uu soo booqdo garoonkan oo noociisa oo kale aanu
dalku horay u lahayn.
"Maanta aniga iyo wafdigeygu waxaan soo kormeernay
garoonka stadium Banaadir waxaana go’aan uu xiriirku ku gaaray markaa kaddib in
tartanka la bilaabo,howsha dib u dhiskuna ay kasii socoto qeybaha kale ee
garoonka, sababtoo ah waqti ma heysano oo jadwalka wax qabad ee xiriirkana aad
ayuu u buuxaa, sidaa daraadeed tartanku waa bilaabanayaa maadaama ay noo
yaaliin howlo aad u farabadan oo ay ka mid tahay qabashada tartanka gobolada
dhamaadka sanadka”ayuu guddoomiyuhu ku yiri war saxaafadeedkiisa.
Tartanka horyaalka ayaa sanadkan la qiyaasayaa in uu soo
jiidan doono taageerayaal ka badan kuwii hore maadaama ay jiraan dad weyne Soomaaliyeed
oo gobollada dalka uga imaanaya daawashada tartankan oo lagu qabanayo garoon heer
caalami ah markii ugu horeysay.
Waxa kaloo jira dadweyne Soomaaliyeed oo dibadaha kasoo
laabanaya kuwaas oo doonaya in ay horyaalka dalkooda ku daawadaan gudaha dalka markii
ugu horeysay muddo ka badan 20 sanadood,halka markii hore ay warbaahinta kala socon
jireen
Photos: By Omar Ibrahim, SFF Media
Somali Football Federation Media department
Email:somalifootballmedia@gmail.com