Agaasimaha waaxda farsamada xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta ahna
macalinkii hore ee qaranka Macalin Cawil Ismaaciil Maxamed ayaa sheegay in uu
aaminsan yahay in baahi weyn oo ay tabayaan cayaartoyda Soomaaliyeed ay tahay
maqnaashaha garoon heer caalami ah oo ay tababarada ku sameeyaan laguna cayaaro
horyaallada dalka, isagoo intaa raaciyay in ciyaartoyda xulka qaranka Soomaaliyeed
oo aan fursad u helin garoon cows leh oo dalkooda gudihiisa ay kula tababar
qaataan ay sabab u noqotay in cayaartoyda Soomaaliya marka ay dibadaha tagaan
ay dhibaato xoogan kala kulmaan la qabsashada garoomada cowska leh oo ay ku
cayaaraan.
"Cayaartoydeenu waxay ku tababartaan horyaalada gudahana ku dheelaan
garoomo bacaad ah, sababtoo ah dalku wali ma lahan garoon heer caalami ah
maadaama garoomadeenii bur bureen taasina waxaa ay sababtaa in cayaartoydeena
xulka qaranku ay laba arrimood wajahaan marka ay dibadaha tartamo u tagaan, waa
tan koobaade cayaartoydu waxaa ay caqabad kala kulmaan la qabsiga garoomada
cowska artifishaalka ah leh tan labaadna waaba arintii ay meesha u tageen oo ah
in ay tartan galaan, halka xulalka kasoo horjeedana ay xooga uun saaran xakameynta
cayaarta maadaama aysan iyagu dhibaato ku qabin garoomada noocan oo kale ah oo
ay dalalkooda ku heystaan”yuu yiri agaasimaha waaxda farsamada xiriirka Soomaaliyeed
ee kubada cagta Macalin Cawil Ismaaciil Maxamed oo maanta war saxafadeed kasoo saaray
xarunta xiriirka ee magaalada Muqdisho.
Agaasimaha farsamadu waxaa uu carabka ku adkeeyay in xiriirka
Soomaaliyeed ee kubada cagta uu aad ugu rajo weynyahay in bulshada Soomaaliyeed
iyo caalamka intiisa kalaba ay arki doonaan is badal dhanka horumarka ah oo
laga dareemo horyaallada gudaha iyo tartamada xulka qaranku ay dibadaha u
aadaan, isagoo intaa ku daray in is badalkaasi imaan doono ka gadaal markii la
gaaro in horyaalada dalka lagu dheelo garoomo heer caalami ah taasona la filayo
in ay d hacdo isla marka Ururka FIFA uu soo dhameystiro dhismaha garoonka
Stadium Banaadir.
Dhankiisa madaxa guddiga tartamada ee xiriirka Soomaaliyeed e kubada
cagta Mudane Cali Cabdi Maxamed (Cali shine) ayaa sheegay in hadii la
dhameystiro dhismaha garoonka Banaadir aad loo rajeynayo in xiisaha horyaalada
dalka lagu qabto uu si aad ah sare ugu kici doono.
"Inta badan shacabka Soomaaliyeed aad ayay u jecelyihiin cayaarta kubada
cagta, waxaana ay mar kasta muujinayaan sida aadka ah ee ay u daneynayaan in ay
daawadaan horyaallada dalka oo lagu cayaarayo garoomo heer caalami ah—maalin kasta
waxaan la kulanaa dad tiradoodu sii kordheyso oo imaanaya garoonka dhismuhu ka
soconayo ee Stadium Banaadir si ay bal ula socdaan halka dhismuhu marayo,
waxaana ay na weydiiyaan su’aalo ku saabsan xiliga la filayo in horyaalka
heerka 1-aad ee dalku uu ka furmo garoonkan dhismuhu ka socdo”ayuu yiri madaxa
guddiga tartamada xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta Mudane Cali Cabdi
maxamed (Cali shine).
"Waligeey ma arkin dalkeena oo leh garoon ku qaabeysan cows-ka casriga
ah---halkan waxaan imaadaa todobaadkiiba laba jeer si aan usoo eego qaabka
dhismaha garoonku u soconayo iyo in uu dhamaad ku dhowyahay, waxaana nafteyda
ku qanciyaa in wax wanaagsani noosoo dhaw-yihiin”ayuu yiri Axmed Salaad oo 28
jir ah mar uu shalay jimcihii soo booqday garoonak Stadium Banaadir.
"Sugitaanka dhismaha garoonkan waa ay daba dheeraatay, fadlan nagasoo dedejiya”ayuu
wiilkaasi u sheegay masuuliyiin ka tirsan xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta
oo garoonka ku sugnaa shalay.
Dhankiisa mahad Maxamed Xaaji oo
ka mida cayaartoyda xulka qaranka Soomaaliya ayaa sheegay in uu si weyn u
aamisanyahay garoon heer caalami ah oo dalku yeesho in ay sare u qaadi doontoi
fursadaha xulka qaranka Soomaaliyeed ee loo yaqaano (Ocean Stars) ay u heli karaan
guulo in ay kasoo hooyaan cayaaraha caalamiga a.
"Run ahaantii taas waan aamin sanahay, sababtoo ah waxaa tusaale noogu
filan taariikhdii dhaweyd markii cayaartoyda xulka qaranka ee ka yar 17-ka sano
ay dhigooda dalka Kenya ka reebeen tartankii dhalinyarada Afrika bishii April
sanadkii 2009-kii, taana waxaa loo nisbeeyay in cayaartoyda da’yarta Soomaaliyeed
ay heleen fursad ah in muddo 8 bilood ah ay tababar ku qaadanayeen garoon cows
leh oo ku yaala dalka Jabuuti si weyna ay ula qabsadeen, cayaartii hore waxaan
ku badinay 3-1 cayaartii dambe oo Kenya lagu qabtayna waxaa ay ku dhamaatay 0-0
sidaana Kenya ayaan ku reebnay”ayuu yiri Mahad Maxamed xaaji oo qudhiisu xiligaa
ka mid ahaa xulka qaranka 17-ka sano da’doodu ka yartahay,
Si kastaba ha ahaatee horyalaka heerka 1-aad ee dalka ayaa lagu rajo
weynyahay in uu garoonka Banaadir ka furmo 5-ta bisha September ee sanadkan
sida uu xiriirku horay u shaaciyay, waxaana masuuliyiinta xiriirku ay ka dhowrayaan
ururka kubada cagta aduunka ee FIFA in uu mudadaas ka hor dhismaha garoonka soo
dhameystiro.
Garoonak shiinuhu dhisay ee Stadium Muqdisho ayaa waxaa wali dagan oo uu
hoy u yahay ciidamo ka tirsan kuwa nabad ilaalinta AMISOM halka garoonka
Banaadirna uu dhisme ku socdo, waxaana taasi ay keentay in ilaa iyo 5-ta bisha
September dib loo dhigo horyaalka heerka 1-aad ee dalka oo lala sugayo marka
dhismuhu soo idlaado.
Sanadkii hore ayaa mudoo laba jeer ah waxaa madaxda xiriirka Soomaaliyeed
ay booqdeen garoonka Muqdisho iyagoo ka dalbaday ciidamada AMISOM in ay isaga
guuraan.
Afhayeenka AMISOM Colonel Cali Xaamud ayaa bishii October ee sanadkii
hore sheegay inay ciidamadoodu garoonka ka baxayaan horaantii bishii December
ee isla sanadkii tagay, laakin taasi ma dhicin waxaana ay keentay in uu baaqdo
tartankii cayaaraha goballada dalka oo la qorsheynayay in 25-kii December ee
sanadkii 2012-kii uu ka furmo garoonka Muqdisho.
Garoonkaas ayaa wali ah xero ciidan, waxaana masuuliyiinta xiriirka Soomaaliyeed
ee kubada cagta ay mar kale ku celinayaan baaqoodii ahaa in garoonka loo
firaaqeeyo si howlihii loogu tala galay mar kale loogu qabsado.
Somali Football Media Department
Email:somalifootballmedia@gmail.com