Cayaarahan ayay tahay markii ugu horeysay ee lagu
qabto deegaanada dagaaladu la dageen ee dalka Sudan waxaana xoghayaha guud ee
CECAFA Mr Nicholas Musonye oo fikirkan lahaa uu sheegay in ay uga gol leeyihiin
nabada in ay ku dhiiri geliyaan.
Mr Musonye oo dhawaan u warramay qeybta warfaafinta
ee CECAFA ayaa sheegay in ay qorshaha ugu jirto in dalka Soomaaliyana lagu qabto
cayaaraha CECAFA marka uu soo dhamaado dhismaha garoosnka Stadium Banaadir isagoo
xusay in uu jiro wada hadal arrintaas ku saabsan oo usocda xiriirka Soomaaliyeed
ee kubada cagta iyo Ururka CECAFA.
Arrintan ayay aad u fududahay in la hir geliyo
maadama Soomaaliya ay 4 xubnood ku leedahay guddiga CECAFA kuwaasoo kala ah
Xoghayaha guud ee xiriirka Soomaaliyeed Cabdi Qani Saciid Carab oo ah
guddoomiyaha guddiga tartamada CECAFA, Caamir Cabdi Xasan oo ah madaxa
dhaqaalaha CECAFA, Shaafici Muxuyadiin islow oo ah madaxa xafiiska war faafinta
CECAFA iyo Dr. Xasan Maxamed Maxamuud oo xubin ka ah guddiga garsoorka ee
CECAFA, xeer ilaaliye ka tirsan ururka kubada cagta Afrika ee CAF horayna u
ahaan jiray Garsoore heer caalami oo FIFA.
Laakin arrinta ugu weyn ee CECAFA ay darseyso ayaa
ah amaanka magaalada Caasimada ah ee Muqdisho oo kaddib marka uu dhismaha
garoonka Stadium Banaadir dhamaado ay imaandoonaan Madax sar sare oo ka mida
FIFA, CAF iyo CECAFA si ay u furaan garoonka islamarkaana u darsaan xaaladaha
amaanka.
Imtixaanka ay mareen garsooreyaasha CECAFA ayaa
waxaa qaadayay madax ka tirsan guddiga garsoorka ee CECAFA, kuwaas oo sheegay
in ay aad ugu qanceen awooda jireed iyo adkeysiga garsooreyaasha oo ay ku jiaan
kuwo da’yar sida Suleymaan Sheekh Bashiir oo Soomaaliya ka socda kuna biiray
garsooreyaasha caalamiga ah ee FIFA sanadkan.
Laakin Wiish Xaaji yabarow oo bishii December ee sanadkii
2013 loo aqoonsaday garsooraha ugu fiican Gobalka Bariga iyo Bartamaha Afrika
lana siiyay abaal marinta sanadka ee CECAFA ayaa wuxuu ka mid ahaa garsooreyaashii
hogaaminayay imtixaanka orodka min bilow ilaa iyo dhamaadkiisii, iyadoo sidoo
kalana Suleymaan uu safka hore ku jiray.
Garsoore Wiish ayaa kasoo jeeda qoys Isboorti
waxaana dhalay Alle ha u naxariistee gudoomiyihii hore ee Olombikada Soomaaliyeed
Aadan Xaaji yabarow (Wiish) oo isaga iyo
Alle ha u naxariistee guddoomiyihii Kubada cagta Soomaaliya ahaana xubin ururka
kubada cagta Africa ee CAF Saciid Maxamuud Nuur ay ku dhinteen qarax is
miidaamin ah.
Alle ha u naxariisto waa halgamayaal aanay umada Soomaaliyeed marnaba ilaawi doonin
Somali Football Federation Media Department
Email:somalifootballmedia@gmail.com