Guddoomiyaha guddiga tartamada xiriirka ahna xubin
guddiga fulinta Cali Cabdi maxamed (Cali shine) oo ku dhawaaqay mudeynta
tartankan ayaa sheegay in xiriirka kubada cagta Soomaaliya uu ahmiyad weyn
siinayo tartanka xiddigaha maadaamabuu yiri kooxda qaranka laga xuli doono
tartankan oo Muqdisho ka furmkidoona dabayaaqada bishan.
"Ciyaartoyda
tartankan ka qeyb geleysa waa kuwii laga xulay horyaaladii dhawaan xiriirku
qabtay ee heerarka koowaad iyo labaad,
kuwaas oo ay iskusoo abaabushay waaxda farsamada xiriirka oo kaddibna kasii
xuli doonta liiska ugu dambeeya ee xulka qaranka Soomaaliya”ayuu saxaafada u
sheegay Cali Cabdi Maxamed (Cali Shiine).
Waxaa uu sheegay in ka badan 100 ciyaartoy oo lasoo xulay
in loo qeybiyay ilaa iyo 6 kooxood oo ay
maalgelinayana hoteelo iyo shirkado magaalada Muqdisho ku yaala oo iyaguna xayeysiinadooda kusoo
bandhigan doona tartanka.
"Tani waxaa ay bilow u tahay hindise aan ugu talagalnay
in shirkadaha ganacsiga aan ku barno in ay xayeysiis ku sameystaan kubada cagta
oo ah cayaar awood u leh in ay ganacsigooda si fudud ku gaarsiiso daafaha
caalamka”ayuu hadalkiisa sii daba dhigay madaxa tartamada xiriirka Soomaaliyeed
ee kubada cagta Cali Cabdi Maxamed.
Wuxuu sheegay in hoteeladaas magacyadooda kooxuhu ku
cayaari doonaan ay ka mid yihiin: Hotel Global, Hotel City Palace, Jazeera
Palace hotel, Singjet, Nation Link Telecom iyo baarka weyn ee Lido Sea Food
Restaurant oo ah baar caalami ah muddooyinkan dambena ahaa meel shiradka
xiriirka qqaarkood lagu qabto.
Xoghayaha guud ee xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta
Cabdi Qani Saciid carab ayaa dhankiisa u sheegay saxaafada in qaban qaabada
tartanka xiddigaha ay qeyb ka tahay u diyaar garowga hore ee xulka qaranka
kubada cagta Soomaaliya ee cayaaraha mustqabalka dhow xiriirka kusoo fool leh
ee heer gobal, heer qaaradeed iyo heer caalami intaba.
"Diyaar garowga waqtiga aadka u horeeya aanu sii
sameyneyno wuxuu naga caawin doonaa in aan helno ciyaartoy tayo sare iyo
adkeysi jireed oo ku filan leh—Xiriirku wuxuu ciyaartoyda la xulayo u diyaarin
doonaa qorshe tababar oo gaar ah kaddib marka uu soo dhamaado tartanka
xiddigaha ee loogu talagalay in lagu kala xulo ciyaartoyda”ayuu carrabka ku adkeeyay
xoghayaha guud Mr. Cabdi Qani Saciid carab oo hadalkiisa sii daba dhigay in
agaasimaha farsamada xiriirka macalin Cawil Ismaaciil iyo macalimiin ka tirsan
waaxdiisa ay masuul ka ahaan doonaan fulinta barnaamijkaas.
Wuxuu xoghayaha guud ka dhawaajiyay in xiriirka
Soomaaliyeed uu qorsheynayo in uu sameeyo wax kasta oo suuragal ah si loo helo
ciyaartoy leh tayo sare iyo adkeysi jireed oo dhameystiran.
Somali Football Federation Media Department
Email:somalifootballmedia@gmail.com